”Waxay dowlada Federaalka ka rajaynaysaa inuu Sii Xoojiyo xariirka ka dhaxeeya dowlada Federaalka ah iyo Maamulka Punt land “Dr’s Maryama Qaasim
Muqdisho 10.Jan 2014 (SDN)- Wasiiradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada hambalyeysay madaxweynaha cusub ee Maamul Goboleedka Punt land Mudane C.weli Maxamed Gaas.
Wasiirada Horumarinta iyo Adeega Bulshada ee dawlada federaalku Waxay ku Tilmaantay in C.weli yahay Shakhsi ku Haboon Xilka loo magacaabay isla markaana aqoon yahan ah “Abdiweli waa nin aan soo wada shaqeynay, waxaana wasiiro kawada aheyn dowladiiKMG aheyd, waxaan leeyahay hawl adag ayaa kuu taala ee Ilaahay ha kula garab galo” ayay Tidhi Wasiirka Horumarinta iyo Adeega Bulshadu .
Wasiirada ayaa dhanka kale sheegtay in Cabdiweli uu yahay aqoon yahan Soomaaliya ka soo Qabtay Xilal gaar ahaan Dawladii Ku Meel Gaadhka ahayd , isagoona ku soo shaqeeyey duruufo adag xiligii uu hogaaminayay barnaamijkii Road Map-ka,” waxay dowlada Federaalka ka rajaynaysaa inuu Sii Xoojiyo xariirka ka dhaxeeya dowlada Federaalka ah iyo Maamulka Punt land “ ayay Tidhi.
Wasiiradu Waxaa kale oo ay Hambalyo u dirtay go’aanka uu ku aqbalay natiijadii doorashada madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxman Faroole
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
Qurbejoog.com