“Dib u dhigida shirweynaha waxay ku timid duruufo ku yimid Madaxweynaha oo safaro ugu baxaya dibada” Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland
Hargaysa 10.Jan 2014 (SDN)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaa sheegey in shirweynihii xisbiga Kulmiye dib loo dhigay ka dib markii Madaxweynaha Somaliland la soo gudboonatay duuro ku saabsan safaro uu sheegay in bishan aynu ku jirno ugu bixi doono wadamada dibada, oo safarkii ugu horeyey maanta ku tagay dalka Itoobiya.
Madaxweyne Ku-xigeenka oo warbaahintu wax ka waydiisay khilaafka cakiran ee ka dhex jira xisbiga kulmiye iyo dib u dhac-yada ku yimid shirweynihii kulmiye dhawar jeer, waxa uu sheegay in wax khilaaf ahi aanu ka dhex jirin xisbiga kulmiye.
Sidaasi waxa uu ku sheegay Wakhti uu madaarka Cigaal ee Hargeysa ku sii sagootiyey madaxweynaha Somaliland oo maanta u kicitimay dalka Itoobiya.
Madaxweyne ku-xigeenka oo su’aalo kooban warbaahintu waydiisay ayaa waxa uu ugu horeyn ka hadlay khilaafka kulmiye.“Horta wax Khilaaf lagu sheegi karo oo ka jira Kulmiye ma Jirto, lakiin meel hawli taalo waxa laysku qabtaa tubta loo marayo hawsha, haddii aad maqasheen hogaanku wuu ku kala qaybsan yahay arrimaha Xisbiga ma jirto, lakiin tubta loo marayo iyo sida loo qabanayo shirweynaha iyo qaabka loo xulayo ergooyinka uunba taladeeda laga wadahadlaayey, lakiin wax khilaaf ah iyo arrin lagu kala tegayo ma jirto, arrintii xisbiguna meel fiican bay maraysaa wayna iska dhamaanaysaa.”
“Anagu waxaanu ka wada hadalnay in qaabkii xisbigu u qabsan lahaa shirweynihiisa iyo in qaab loo wada dhan yahay u qabsoomo, uunbaa kala hadalnay Madaxweynaha, lakiin dib u dhigida shirweynaha waxay ku timid duruufo ku yimid madaxweynaha oo safaro ugu baxaya dibada, una baxaya danta qaranka oo ku soo beegantay wakhtigii shirka la qaban lahaa ayaa keentay in dib loo riixo shirweynaha Kulmiye.”Ayuu yidhi Saylici
Waxa kale oo la Waydiiyey xidhiidhka ka dhexeya isaga iyo Muuse Biixi sida uu yahay waxaanu yidhi.“Waxaanu nahay labba nin oo saaxiibo ah, labba nin oo walaalo ah ayaanu nahay, labba nin oo isku xisbi ah ayaanu nahay, labba nin oo halgan badan soo wadda maray ayaanu nahay, wax dhibaato ah oo na dhex yaala ma jirto.”Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.
Haraysa SDN.
Qurbejoog.com