Dawlada Australia oo mudo ka dib dal ku gal siisay Haweeney Soomaali ah oo halkaa Caafimaad u tegilaheyd
Sydney Jan 10,2014(SDN)-Dawlada Australia oo hore dal ku gal ugu diiday haweeney Soomalai ah oo dooneysay dalkaasi in ay qaliin caafimaad ugu tagto ayaa haatan loo ogolaaday in ay dalkaas tagto.
Ayaan Maxamed oo 25 jir ah ayaa dib u dalbatay dalku galka Australia ka dib kolkii dawlada dalkaasi ay cadaadis faro badan kala kulantay diimdadeedii hore ee dal ku galka.
Ayaan ayaa waxa wejiga kaga yaal dhaawac rasaassi sababtay oo gaaray tiyoo caruur ah xiliyadii dagaalada Soomaaliya.
Brisbane’s Wesley Hospital and Rotary ayaa Ayaan u soo bandhigay fursad ay dib ugu habeyn ugu sameynayaa wejigeeda.
“Sida ay noo sheegeen safaarada Australia waxa ay Ayan dib ugu dalbatay dal ku gal,waxaana haatan ay buuxisay gebi ahaanba shuruudihii looga bahnaa”sidaa waxa saxaafada u sheegay wasiirka socdaalka ee Australia Scott Morrison.
Cusbotaalka ayaa abaabulay shicib faro badan oo culeys ku saaray dawlada sidii ay dalku galkan ay u heli lahayd Ayaan.
Ayaan Maxamed ayaa lagu wadaa in ay qaliinkeedu bilowdo lagu wadaa bisha ina soo heysa dabayaaqadeeda.
SDN-Sydney
contact@somalidiasporanews.com