Ku Xigeenka Maayarka Hargaysa oo dib ugu Soo Laabtay Caasimada Socdaal uu Mudo ku Joogay Uk
Hargaysa 10.Jan 2014 (SDN)- Mayor ku xigeenka magaalada caasimada Somaliland Ee Hargeysa Md C/Casiis maxamed xaashi (Cagawayne) Oo Socdaal Shaqo ugu Maqnaa Waddanka Ingiriiska Ayaa Dib ugu Soo Laabta Magaalada Hargeysa.
Mayor ku xigeenka magaalada caasimada Somaliland Ee Hargeysa Md C/Casiis maxamed xaashi (Cagawayne) Oo Qolka VIP’da Kula Hadlay Warbaahinta Ayaa Kawaramay Ujeedada Socdaalkiisa Waxaanu Sheegay Mudada Bisha ah Ee uu Shaqada ugu Maqnaa Wadanka INGIRIISKA Inuu La kulmay Masuuliyiin kala duwan Oo isugu Jira Mayaro, Xildhibaano Gola deegaan, Xubno kamid ah Barlamaanka, Professoro jaamacadeed, iyo Jaaliyada Reer Somaliland Ee UK.
Waaxaa kale Oo uu La Sheegay inuu la kulmay Mayorku xigeenku Xubno katirsan Barlamaanka UK Oo ay Kamid tahay Marwo KERRY Mc Carthy MP Oo laga soo doorto Bariga magaalada BRISTOL.
Waxaa kale Oo uu sheegay mayor ku xigeenku Ujeedada socdaalkiisa Hawleed uu K u tagay UK Inay Faa’iideeyikeedu mid tahay Isbarasho Iyo in la abuuro Xidiidh dhex mara Magaalooyinkeena iyo Magaalooyinka Waddanka UK.
In baahida ka jirta Magaalooyinkeena Loo gudbiyo sidii ay wax inoo gala qaban lahaayeen caawimo muuqatana ay ka gaysan lahaayeen Dhinacyada caafimaadka, Habaynta qashinka, Biyaha waxbarashada iyo Dab damisyada.
Iyo La mataaneeyo Magaalo kasta Oo wayn Oo ku Taala UK magaalo kamid ah kuwa Dalkeena.
Gaba gabadii Mayor ku xigeenka HARGEYSA md c/casiis maxamed xaashi (cagawayne) Waxaa uu Sheegay In Socdaalkiisa Hawleed uu Ku Soo dhamaaday Guul Safarka shaqo ee uu Ku baxayna aanu Noqon doonin Kii ugu Danbeeyay Balse Mustaqbalka dhawna uu Halkaa u Amba bixi doono Si loo sii ambo qaado Hawlaha ay Soo Qabteen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com