Xukuumad Umadeeda Cadaw Ku Ah
Garawshiyo xumida indho adayga ayay kaga dartay! waa odhaahda aay ku sifaysay hooyo biyo la’aan ka cabanaysay oo waliba intaa raacisay in xukumadani aanay ogayn inay umadu oomantahay ee aay u qabto in xukunka lagu haysto.
hadalka hooyada markaan eegay walee xaqiiq weeye waayo waatii aay yidhahdeen goolaha guurtidu gudi ayaan u saaraynaa.
arin gudi loo saaro maba aha arinku waxii jireyna waa muuqday oo umada oon baa hayay. dadkaynu talada u dhiibanay waa kuwaas iyo qaar ka daran oo waxaa intaa dheer in cashuurahan la kordhiyay baarlamaankeenu indho la’aan iyo caqli xumo laaluush rakaadiyay wax walba aay ku baas mareeyeen, waxii ka dhashayna maanta waynagaa u wada taagan.
dad waxaynu nahay jecel inay wax qabsadaan laakiin aan xisaab tamin oo aan caqli ku darin waxa ay qabsanayaan inay eegaan oo qiyasaan oo xisaabiyaan.
arintaa iyada ah waxaan tusaale usoo qaadanayaa wadada ceeri gaabo. wadada ceerigaabo in la dhiso wax tar ayay inoo tahay lakiin umadu ma taqanaa intaa ku baxaysa iyo qaadhaankii loo guray ilaa maanta intaa xisaab tiisu tahay ee loo hayo? jawaabtuna waa maya waayo, umada in wax laga guro mooye looma baahna inay ogadaan lacagta la guray inta aay tahay ee la hayo ilaa maanta oo laga yaabo in aay kaba badantahay intii loogu talo galay waayo reer burco ayaan aqaanaayo ficil badni ayaan ku aqaan. dhankaa dhan iga dheh, aan usoo noqdo maaliyada iyo samaale hadalku yidhi ee ahaa suuro gal maaha in laga hor yimaado hir galinta cashuurahan umadu qaadi kari waydey ee waliba rabshadahu ka dhasheen. masuulkaa hal mid ayaa hadal kuu yidhi ina tusinayaa halkaas oo ah in wasaarada maaliyadu tahay meherad uu isagu leeyahay, waayo hadii aanay sidaa ahayn waxuu garan lahaa in wasaradani u shaqayso umada oo aay tahay in aay u adeegto umada waayo mushaharka samaale qaato waxaa bixiya umada oo jeebkooda ka dhiiba oo aay tahay inuu sidaa u garto lakiin nasiib daro wakaa cadawga ku ah. hadaba waxaa wax aad loola yaabo ah in xukumadu umadeeda cadaw ku tahay waayo umaba garaabaan hoosna uma eegaan ismana yidhaahdaan xaalada nololeed ee umadu waa sidee?
waxaan odhan lahaa umada anuu cashuur haba bixinina waayo la idiinkuma adeego. cashuurta waxuu muwadinku u bixiyaa in uu helo amni, xaruumo caafimaad, khashinka oo laga guro, wadooyin, waxbarasho tayo leh. maxaynu haynaa bal hadii aynu hoos isu eegno? xaqiiqdu waa waxba, hadii meel ka dhow aan idinka tusona waxaad eegtaa oo kaliya ololaha loogu jiro wadooyinka iyo biyaha oo ah noloshii sida aan looba eegin. sidaas ayaynu waliba ictiraaf filanaynaa oo kuwaa biyo la’aanta inaga haqab tiri waayay aaynu ka sugaynaa inay ictiraaf keenaan.
By: Aden Deeq