|

“Waxaan Idiin Cadaynayaa in Sannadka 2015-ka ay Hargaysi Heli doonto Biyo ku Filan” Maareeyaha Wakaalada Biyaha {DHAGAYSO}

Hargaysa 05.Jan 2014 (SDN)- Maareeyaha wakaaladda Biyaha ee Hargaysa Mudane Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa Sheegay  in mashruucii biya galinta midawga yurub uu u socdo sidii loogu tala galay, isla markaana ay sanadka labada kun iyo shan iyo tabanka ay ku rajaweyn yihiin in boqolkiiba todobaatan caasimada Hargeysa ay hesho biyo ku filan, waxana uu meesha ka saaray hadal ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga wadani oo sheegay inuu musuqmaasuqay mashruucii midawga Yurub ee biyo galinta magaalooyinka dalka.

Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Hargaysa oo Shir Saxaafadeed ku qabtay maanta Xafiiskiisa ayaa sidoo kalena Baaq u diray Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Shacabka Somaliland .

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalka Maareeyaha Biyaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/MaareeyahaBiyaha5.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed