Britain oo ay dhici kareyso in ay hubeysay Burcad badeeda Soomaalida
London Jan 05,2014(SDN)-Guddi baarlamaani ah oo u qaabilsan xakameynta hubka Britain u dhoofiso dibedda ayaa dawlada Cameron ku khasabtay in ay baaritaan ku sameyso Hubkii aad u badan in dalkaasi u dhoofiyay dalal ay ku badan yihiin xadgudubyada.
Hubkan oo tiradiisa lagu sheegay 44,000 qori ayaa 15kii bilood ee ina dhaafay waa dalal ay ka mid yihiin Sri Lanka,Masar,ruushaka iyo Maldives u diray shirkado British ah oo amniga Maraakiibta ka ganacsada.
Hubkan ayaa loogu talo galay in lagula dagaalamo Burcada Soomalaida balse waxa la sheegay in ay dhici kareyso in ay ugu danbeyntii hubkaasi gacanta burcada ku danbeeyay.
Madaxa hayada la socodka waxa dalka Britain laga dhoofiyo Edward Bell oo guddida Baarlamaanku wax ka weydiisay Hubkan faraha badan ee dalka ka baxay ayaa sheegay in aanu hore ula socon in hubka intaa tiradiisu tahay uu dalka ka baxay.
Mr Bell waxa uu Baarlamaanka Britain ka codsaday in la siiyo mudo uu baaritaan dheeri ah ku sameeyo halka ay shirkadaha amni hubkan geeyeen.
Baaritaanadan Baarlamanaku ku sameyay shirkadaha hubka ka ganacsada ayaa yimi ka dib kolkii ay soo baxday in shirkado British ahi hub ka iibiyeen dawlada Syria.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com