FIFA Oo Shaacisay liiska Garsoorayaasha Sanadka Cusub iyo Somalia Oo Ku Yeelatay Xubno Muhiim ah
Zurich :05-Jan-2013(SDN)-Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, ayaa soo saartay liis taxan oo ay ku qoran yihiin Garsoorayaasheeda sanadka cusub, iyadoo ay somalia ugu jiraan xubno muhiim ahi.
Waxa meesha laga saaray Somali hore oo meesha ku jirtey, islamarkaana lagu beddelay da’yar firfircoon oo aqoonyahano ah, iyadoo tallaabadaasina yididiilo weyn gelisay Shacabka somaliyeed.
Garsooreyaashan Soomaaliyeed ayaa sanadahanba kasoo shaqeynayay horyaalka dalka, hase ahaatee waxaa sida muuqata ay ku cusubyihiin masraxa garsoorka caalamiga ah oo aanay hore ugu jirin marka laga reebo hal ruux oo hore calan wade caalami ah u ahaa laakiin hada dhexda loosoo wareejiyay, kasaoo aan ka mid ahayn liiska da’ yarta ah ee soo baxay.
Wiilasha yar yar ee hada kasoo dhex muuqday liiska caalamiga ah ee FIFA soo saartay waxaa ka mid ah: Maxamed Xaaji Xasan, Maxamed Muuse Cabdullaahi, Aweys cabdullahi Sheik iyo Cali Maxamuud Mahad, waxaana magacyadoodu ay qeyb ka ahaayeen liis dheer oo FIFA soo saartay.
Howsha garsooreyaashan ee dhinaca caalamiga ah ayaa ka bilabatay sanadka cusub ee 2014-ka waxaana ay ku ekaan doontaan int a ay howlgab ka noqonayaan sida saaxiibadoodii hore oo howsha garsoorku aanay halkaa ugu dhamaan laakin ciyaaraha gudaha kasii shaqeyn doona, balse masrixii caalamiga ahaa soo faaruqiyay.
Liiska waxaa ka muuqanaya Bashiir Colaad Carab oo hore u ahaa calan wade caalami ah laakin hada loo badalay garsooraha dhexda kaddib markii muddo sand ah uu banaanka ka joogay howsha garsoorka caalamiga ah si loogu diyaariyo in uu noqdo garsoore dhexda ah sida sharcigu qabo.
Garsooreyaal kale oo caalami ahaa muddana soo shaqeeyay ayaa ka maqan liiskan cusub ee FIFA soo saartay, kuwaasoo dhowr arrimood awgood meesha looga saaray sida uu sheegay agaasimaha xafiiska horumarinta garsoorka ee xidhiidhka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Cabdulle Axmed ( Baasaale) oo qudhiisu hore garsoore heer caalami ah u ahaa.
Garsooreyaasha caalamiga ahaa ee liiskan ka maqan ayaa waxaa ka mida Nuur maxamed Cabdulle (Nuur Rooso), Aweys Nur (Aweys Farqajaan) Cabdiraxmaan cabdi Cumar (Shuuriye) iyo Maxamed Xasan Fiidow.
Bishii April 18-keedi sandkii 2012-kii ayaa khabiirkii ka socday FIFA ee tabbarka siinayay Soomaaliya Mr. Joseph Wellington waxaa uu u sheegay waaxda warfaafinta xidiidhka Soomaaliyeed ee kubada cagta in uu si weyn ugu qancay awooda jidheed iyo adkeysiga garsooreyaashan da’da yar ee xidhiidhka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu tababarka geeyay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com