|

Mucaaridka Somaliland Oo Shaqadoodu Noqotay InayWada-hadalada Somalia Cambaareeyaan Marka Laga Reebo, Marka Lagu Darona Ammaanaan

Hargeysa:05-Jan-2014(SDN)-Gebi ahaanba mucaaridka wakhti xaadirkan ka jira somaliland, ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu jilicsanaa ee soo mara tan iyo intii  ay u baydhay Hannaanka Axsaabta Badan.

faysal iy cirroLabada Xisbi Mucaarid ee Ucid iyo Kulmiye, ayaa iyagu ku guuldarraystay inay Hantiyaan oo gacanta ku dhigaan Kalsoonida dadka oo sida muuqata ka soo Baydhay dhinaca Xisbiga Talada haya ee Kulmiye.

Sidoo kale waxa ay labadan xisbi mucaarid ee haatan jiraa ka siman yihiin inay Dhaleecayn iyo cambaarayn Bilaabaan kaliya marka xukuumadda talada haysaa baal marto inay wax ka weydiiso tallaabooyinka ay qaadayso.

Waxa ay caan ku noqdeen inay shacabka u caayaan tallaabooyinkaas taladooda la dhaafiyey oo ay Haatan ugu weyn tahay Shirka wada hadalada somalia oo uu xisbiga waddani ku bilaabay dhaleecayn aan sababteedu caddayn.

Mucaaridka ayaa sidoo kale bulshada u ammaana oo  wanaag ugu tilmaama tallaabo kasta oo xukuumaddu talo ka weydiiso xataa haddii ay qaldan tahay, waxana ay taasi ka dhigtay qaar kaliya ku shaqeeya danahooda oo aan eegayn Danta bulshada iyo midda qaranka sida  xukuumaddan maantaba lagu sheego ee ay caanka ku tahay.

Xisbiga waddani ayaa ku dhawaaqay inaanay aqbalayn  wada hadallo xukuumaddu ka qayb qaadato oo aan ajandahooda la caddaynin, iyagoo si dadban u sheegay inay doonayaan kaliya in shirkaas laga qaybgeliyo, waxana Hubaal ah inay shirkaas ku sheegi doonaan mid wanaag dhalinaya haddii xubno ka mid ah xukuumaddu ku darto.

Arrimaha Noocan oo kale ah ayaa noqday qaar axsaabta mucaaridka ahi karaamada iskaga lumiyeen, waxana Hore u dhacday in Xisbiga Ucid oo hore uga qayb galay shirar hore oo somalia lala galay uu khiyaamo qaran ku sheegay markii kuwii dambe laga reebay, iyadoo taasina caddaynaysa inaanay mucaaridka somaliland uga bislayn inay mucaarid noqdaan ama masiirka umadda wax laga weydiiyo.

Wadahadalada somalia iyo somaliland ayaa lagu wadaa inay Toddoobaadkan  ka bilaabmaan Waddanka Turkiga, waxana lagu wadaa inay Maanta Baxaan Wafti ballaadhan oo xukuumaddas  Somaliland ka tirsani, waxase wali aan la ogayn sida loogu dari karo mucaaridka durtaba muujiyey Hammuunta ay u qabaan  ka qaybgalkooda shirkan.

 

Shacabka ayaa iyagu wali sugaya inta ay waddanka ka dhalanayaan cumaarid qaangaadh ah oo garanaya danta umadda, islamakaana go’aan cad iyo mawqif cad ka qaata arrimaha danta u ah shacabkooda oo aan labaclabaci marnaba soo galin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed