|

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Jagadiisa looga hadhay iyo Saaxiibadii oo Kuraasida lagu haysto iyo Murashax u taagan Xilka Gudoomiye ku Xigeenka 1aad

Burco 04.Jan 2014 (SDN)- Axmed Cilmi Barre (Axmed Cilmi yarre) oo ka mid aha siyaasiyiinta somaliland isla markaana ah Agaasimihii Hore ee wasaarada  dib u dejinta ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye,Sidaasna waxa uu kaga dhawaaqay Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Deero ee Magaalada Burco,taas oo ay kasoo qaybgaleen Salaadiin,Aqoonyahan,iyo waxgarad kale oo kal duwan,

S5320130Axmed Cimi Barre oo ugu horayn halkaas ka hadlay isla markaana ka cadeeyay hankiisa ayaa waxa uu yidhi”Waxaan u taaganahay Musharaxa Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye,waxaanan ku rajo waynahay inaan ku guulaysan doono,tartankii xisbiga ee u danbeeyayna waxa uu u dhacay si xor ahtartanka soo socdana waxaan rajaynayaa inuu sidaas oo kale u dhaco,waxaana igu kaliftay inaanis sharaxo waxaan doonayaa inaan ka midho dhaliyo ahdaafta kulmiye ee ah doorta dhalinyarada.

Foos Maxamed Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta halkaas ka hadashay isla markaana ku hadlay magaca Suldaan Foos Maxamed Ducaale ayaa isna waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”aad baan u soo dhawaynayaa Musharaxnimada Axmed Cilmi yarre nin door wayn siyaasada kasoo ciyaaray,Kulmiyena waanu isku ahayn anigana waa uu iga fiicanyahay oo anigu kulmiye waxaan ka hadhay aniga oo sideed sano aanaan isku salaamin ragii siyaasada ku jiray ee aanu cid isugu xignay,dhibaatooyinkiii iyo cadaaalada daradii kulmiye dhexdiisa ka dhacday iyo kuwii isaga lagu sameeyay,isaguna waakaas isu soo sharaxay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee kulmiye waanu hanan kara jagadaas waanan ku taageeraynaa waxaanu leenahay iskuma heshid labada cad xaaji.

Garaad Saleebaan Daahir, Anigoo ku hadlaya Magaca salaadiinta waxaan aad iyo aad ugu taageersanahay go,aankaas uu qaatay,waayo axmed waan aqaan waa nin nin macquul ah oo firfircoon waanu is barabartaagaynaa,Beelaha kalena waxaanu ka codsanaynaa inay nala qaataan.

Amiir Cismaan Imaaciil,C/raxmaan Maxamuud Gaade,Cabdi Maxamuud Qaloonbi,Faadumo aw nuux oo iyaguna goobtaas ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay inay aad u taageersanyihiin.

Burco SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed