|

Mid ka Mid ah Murashixiintii Xilka Madaxweyne ee Maamul Goboleedka Punt land oo ka Tanaasulay Damaciisii

Nairobi 04.Jan 2014 (SDN)- Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ahaa murashaxiinta isu soo taagay xilka madaxweynennimada ee maamulka Puntland ayaa shalay ku dhawaaqay inuu tanaasulay, isagoo baarlammaanka cusub ee maamulka ka codsaday in uu muujiyo caddaalad.

Xaaji-Maxamed-Yaasiin-300x197Wuxuu sheegay in murashaxiinta oo batay iyo waqtiga ka dhiman doorashada oo soo dhowaaday ay sababeen inuu tanaasulo, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in la fududeeyo howlaha doorashada.

Xaaji Maxamed oo ka hadlay shir uu weriyeyaasha ugu qabtay Nairobi ayaa bulshada ku nool deegaannada maamulka Puntland u soo jeediyay inay isku kaashato sidii ay u gaari lahayd horumar.

Doorashada madaxtinnimada ee maamulka Puntland waxaa ka dhiman muddo ka yar toddobaad.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed