Sarkaal sare oo u Shaqeeya Hay’ada Qaramada Midoobay ee WHO oo Alshabaab ka Qafaasheen Gobolka Bay
Baydhaba 04.Jan 2014 (SDN)- Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa qafaashay Sarkaalkii Hay’ada WHO u joogay Gobolka Bay, kaasoo lagu magacaabo Dr. Abuukar Haashim, kaasoo la sheegay in kooxdan ay u kexeysteen dhinaca Degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo saldhig ku leeyihiin.
Afduubka sarkaalkan ayaa wuxuu ka dhacay deegaan 15-km u jira degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, halkaasoo ay ka taliso DF, isagoo la sheegay in uu ku jiray howlo caafimaad oo ay hay’adu fulinaysay.
Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in sarkaalkan ay kala baxeen koox dad ah oo uu la socday, iyagoo dadkii kale ee la socday ku amray inay deegaanka isaga tagaan.
“Dr. Haashim waa la afduubay, waxaana ka walaacsanay sida xaaladiisu ay noqon doonto” ayuu yiri ruux ay ehelo dhow yihiin sarkaalkan oo mudo fog u shaqeynayay Hay’ada caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.
Hay’adaha ayaa waxay howlo lagu talaalayo Caruurta ka waday Degmooyin ka tirsan Gobolka Bay, gaar ahaan Degmada Baydhabo iyo kuwo kale oo ay Dowlada Somalia gacanta ku hayso.
Inkastoo la sheegay in Al-shabaab ay afduubtay Madaxii WHO ee Gobolka bay ayaanay hadana jirin hadal kasoo baxay Kooxdan oo ay ku xaqiijinayaan inay afduubeen iyo in kale.
Al-shabaab ayaa Hay’adaha WHO iyo hay’ado kale oo samafal ka joojisay in ay ka shaqeeyaan deegaaanada ay ka taliso Sanadkii 2010, waxaase ay dib howlaheeda uga bilowday Hay’adan Gobolka Bay sanadkii hore ee 2013.
Qaramada Midoobay ayaan weli ka hadlin afduubka sarkaalkooda, waxaase uu noqonayaa sarkaalkan kii ugu horeeyay oo ay Al-shabaab Gobolka Bay ku afduubato tan iyo markii ay DF iyo AMISOM deegaano ka tirsan Gobolkaas la wareegeen.
Kooxda Al-shabaab ayaa waxay weli ka talisaa degmooyin ka tirsan Gobolka Bay, waxaana afduubkan uu imaanayaa xili ciidamo badan oo Ethiopian ah ay soo gaareen Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay.
Baydhaba SDN.
Qurbejoog.com