Ra’isal Wasaaraha Somalia oo ka Dalbaday Golaha Baarlamanku inay Hakiyaan Hindise Sharci oo ay doodiisu Socoto
Muqdisho 04.Jan 2014 (SDN)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka codsaday Golaha Shacabka Soomaaliya inuu hakiyo ka doodista hindise sharciyeedyo horyaalla baarlamaanka inta uu ka soo dhisayo Golaha Wasiirrada.
Guddoomiyaha baarlamaanka Pro. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xildhibaannada u gudbiyay codsiga ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul wasaaraha ayaa codsday in la hakiyo doodda hindise-sharciyeedyo ay ku jiraan Golaha Adeegga Garsoorka, Guddiga Xuquuqul-insaanka, La-dagaallanka argagixisada, Guddiga Xudduudaha iyo Federaalka, Maalgashiga Shisheeye ee Soomaaliya, Dhismaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Bankiga horumarinta Soomaaliya.
Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu dhowaan magacaabo Golahiisa Wasiirrada.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com