“Maalinta Axada ayaa Ergada Somaliland ay Hargaysa ka Bixi Doonaan” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland {DAAWO}
Hargaysa 04.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta u warramayay warbaahinta qaranka, waxaanu yidhi “Shirkii Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay ka dhacayaan Turkiga, waxaanu ka qabsoomi doonaa saddex cisho ka dib, weftigii Somaliland uga qeyb galayay waxaanu Somaliland ka baxaynaa Axadda soo socota. Markaa wararkan la isla dhex marayo ee aanay waxba ka jirin dadku inay rumaystaan ma aha.”
“Wada hadallo burburayna ma jiraan, wada hadaladu way socdaan waanan ka shaqaynaynaa,”ayuu intaas raaciy Wasiir Maxamed Biixi.