Gudidii Guurtidu u Xilsaartay Surmigii Biyo La’aanta Hargaysa oo Gole Weynaha ku soo Celiyay Wixii ay la Kulmeen
Hargaysa 04.Jan 2014 (SDN)- Golaha guurtida jsl ayaa fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Md:Saleebaan Mxamuud Aadan ,ayaa mudanayaasha Golahaasi waxay warbixin ka dhagaysteen Guddii uu Goluhu dhawaan uxilsaaray cabashadii Booyadaha Biyaha ee ka hawlgala xaafadaha caasimada qaarkood inay ka soo talo bixiyaan .
Xildhibaan C/qaadair maxamed xasan oo Gudoomiye u ah Guddi Goluhu uxilsaaray inay ka soo warbixiyaan arrinta Booyadahaas magaalada Hargaysa ayaa sheegay inay kulamo xog waraysi ah la yeesheen wasiiradda wasaradaha maaliyadda , arrimaha Gudaha wasiirka biyaha ,mareeyaha wakaaladda Biyaha iyo Guddida Gaadiidlayda Booyadaha ,waxaanu xildhibaan c/qaadir tilmaamay in xeerka Golaha Baarlamaanku ansixiyeen aanu gaar u ahayn gaadiidka booyadaha .
waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay go’aan cad laga soo saaro arrintani Gaadiidlayda Booyadaha,waxaanu usoo jeediyey Booyadaladlayda caasimadda inay Bulshadooda u tudhaan.
Gudidu golaha guurtidu u saaray arinta gaadiidlayada booyadaha caasimada hargaysa waxay warbixibntoodaa talo kusoo jeediyeen , in la hagaajiyo jidka isku xidha xarunta biyo soo saarka geed deeble iyo caasimada kaasoo sheegeen in masaafad dhan sideed kilo mitir ay u baahan tay dayactir iyo hagaajin si gaadiidka biyuhu u helaan wado ka dhaw deegaanada xiligan ay ka keenaan biyaha , iyo helitaanka biyo jaban oo wakaalada biyuhu ay ka iibiso gaadiidlayada biyaha.