|

Golaha Wakiilada oo Warbixin ka dhagaystay Agaasimaha Xakamaynta AIDS-ka

Hargaysa 04.Jan 2014 (SDN)- Golaha wakiiladda   Jsl   ayaa Fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominaayey  Gudoomiyaha Golaha  Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi {C/raxmaan Cirro}  ayaa mudanaayashu  warbixin ku saabsan Qabyo qoraalka xeerka komishanka xakamaynta cudurka  Aids- kaga dhagaysteen, AGaasimaha  fulinta ee komishanka xakamaynta xanuunka   Aids-ka Prof:Cabdi Cali Jaamac,oo ay waheliyeen  xubno komishanka ka tirsan.

Golaha-WakiiladaAGaasimaha Fulinta ee komishanka xakamaynta xanuunka  aidska oo madanayaasha uga warbixiyey qabyo qoraalka xeerka komishanka xakamaynta Aids-ka Md.Cabdi Cali Jaamac ayaa sheegay in  xeerkan maanta  Golaha horyaal ee qabyo qoraalka ah ,uu yahay mid lagu Aas aasaayo komishanka xakamaynta Aads-ka,xeerkaaas oo daryeeli doona dadka la nool xanuunka H.I.V-ga Aidska  isla markaana   qofka xanuunkani la nool ee  si badheedh ah Bulshada ugu waxyeeleeyo xanuunkana in xeerkani qeexi doono  talaabadda sharci ee  laga qaadaayo.

AGaasimuhu wuxuu gabo gabadii mudanayasha Golahaasi u jeediyay   inay lagama maarmaan tahay in qodobka tobnaad ee xeerka  oo sheegaaya in madaxweynuhu  haya’dan   Gudoomiye u yahay  wasiirka  Caafimaadkuna uu leeyahay fulinta howsha,in laga saaro meesha awooda fulineed ee  wasiirka caafimaadka lagu tilmaamay  lana waafajiyo  hab maamulka  komishanka.

ka dib waxa mudanayaasha Golaha Wakiiladdu halkaas ku waydiiyeen Agaasimaha fulinta ee  Guddida xakamaynta xanuunka  Aidska su,aalo la xidhiidha hawlaha haya’daas.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

 

Comments are closed