Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Puntland Oo Saacadaha Soo Socda La Filayo iyo Ammaanka Oo Xoog Loo Adkeeyey
Garowe:04-Jan-2014(SDN)-Guud ahaanba Dareenka iyo Quluubta shacabka Reer Puntland ayaa saaka ku jihaysay Aqalka Barlamaanka oo La Filayo inay Maanta ka Qabsoonto Doorashada Guddoomiyaha iyo KU xigeenkiisu.
Wararka ayaa sheegaya in qabanqaabadii ugu dambaysay haatan lagu jiro qabanqaabadii ugu dambaysay, iyadoo ammaankana si weyn loo adkeeyey.
Xilligan oo ay Puntland marayso meel xaasaasi ah ayaa si weyn looga dhursagayaa cidda gadhwadeenka ka noqon doonto Baarlamaanka, maadaama Doorashadii madaxweynuhuna Toddobaadka dambe dhici doonto, taas oo iyaduna ku jirta gacanta Baarlamaanka Puntland oo iyaguna cusub.
Lama Saadaalin karo cidda ku soo bixi doonta Guddoonka Sare ee Baarlamaanka, waxana arrintan il gaar ah ku eegaya Musharaxiinta kala duwan ee xilka Madaxweyne u taagan oo dano kala duwan ka leh inay soo baxdo cid hadhaw ka saacidda Kursiga ay ku socdaa.
Wixii war ah eek a soo kordha doorashada waxanu idiinku soo gudbin doonaa Wararkayaga Dambe.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com