Midowga Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee Nusoj Oo Somaliland Ugu Baaqday Inay Sii Dayso Wariyo Lagu Xidhay Laascaanood
Muqdisho:04-Jan-2013(SDN)-Midowga Suxufiyiinka Somaliyeed ee Nusoj, ayaa somaliland ugu baaqay inay sii sayso Wariye ay ku xidhay magaalada Lascanod ee Gobolka Sool, iyagoo si weyn u cambaareeyey xadhiga wariyahaas.
Guddoomiyaha NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan ayaa sheegay in ay ka codsanayaan Somaliland in sida ugu dhaqsiyaha badan dib xorriyaddiisa ay u siiyaan wariye Faysal Jaamac Aadan oo haatan maxbuus u ah somaliland.
“Masuuliyiinta Somaliland waxay ugu baaqaysa NUSOJ inay sii daayaan wariyaha ku xidhan Laascaanood oo u shaqeynayay Idaacadda Barkulan” sidaasi waxaa lagu yidhi war ka soo baxay NUSOJ.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa inta badan cunaqabateeya saxafiyiinta ka howlgala deegaannada ay maamusho oo runtii uu ku qasbo in rabitaankooda ay ku shaqeeyaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa wali ka hadlin xadhiga loo geystay wariyahan xidhan, sidoo kale wali si rasmi ah umay sheegin sababta keentay xadhigiisa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com