|

Xaflad lagu Sagootinayo Labada Masuul Musharaxa Madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga Ucid Mudane Cabdirashid Xasan Mataan iyo Mayar ku xigeenka casimada Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo ka dhacday galbeeka London

London 30Dec13 (SDN) Xaflad balaadhan oo aad u qurux badan oo si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan madaxda sare iyo taageerayasha xisbiga ucid laantiisa Uk ayaa xalay lagu qabtay xafada Southall ee ku taal galbeedka magaalada London.
Xafladan oo ay ka soo qeyb galeen murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Ucid Mudane Cabdirashid Xasan Mataan iyo Mayar ku xigeenka casimada Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashicagawayne iyo waliba madaxda xusbiga ucid ee dalka ingiriska ,waxaa iyana si weyn uga dhex muqdey taagerayasha xusbiga ucid ee London.
Xafladan oo ahayd mid soo dhawayn iyo xogwaraysi xisbiga ucid laguna sii saqootiyey labada masuul ee ku sugnaa dalka ingriska iyaga oo u joogey howl shaqo .labada masuul ayaa kulankan la qatay tagerayashooda xisbiga ucid garbyada haweenka iyo dhalinyarada Dhamaan dadkii xafladan ka soo qeyb galey ayaa u qushuucay sida quruxda badan ee xafladu u dhacdey.Waxaa goobta qudbad dhaxal gala ka jediyey masuuliyiinti xusbiga ucid ee London,Uk, Yurub iyo odayaal dhaqmeed ka tirsan jaliyada Somaliland Waxaa maykarafoonka lagu wareejiyey Mayar ku xigeenka casimada hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed xaashi oo qudbad taarikhiya ka jeediyey iyo intuu joogey dalka boqortooyada ingriska dadku la kulmey iyo ujeedada uu halkan u joogo kuna faraxsan yahay in xisbiga uu ka soo jeedo ee Ucid ,dadkuna si weyn ugu sacab tumey,markuu hadalkiisi soo gabagabeyey ayuu ku soo dhaweyey musharaxa madax weyne ku-xigeenka xusbiga Ucid mudane Cabdirashid Xasan Mataan isaguna ka war bixiyey socdaalkiisi mareykanka iyo kan uu yurub ku joogo iyo wax yaabihii u qabsoomey.
Ugu danbayntii Xafalada ayaa waxaay ku dhamaatay jawi farxadi ku dheehantahay iyadoo dhamaan hablihii xaflada soo agaasimey ay u mahad celiyeen dad weynihii xaflada ka soo qeyb galey oo dhan .

unnamed (5)uciducid4unnamed (6)unnamed (7)

qurbejoog.com
London

Comments are closed