|

Dedaal Laga Dhex Wado Isimada Puntland Oo Laba Garab U Kala Jabay Iyo Rajada Shacabka ee La Xidhiidha Khilaafka Taagan Xilligan Xaasaasiga ah

Garowe:30-Dec-2013(SDN)-Iyadoo ay sii kala Fogaanayaan Isimada Puntland oo Khilaaf badani dhex yaallo, ayaa Haddana waxa socda isku Dayo la Doonayo in la isugu soo dhaweeyo si khilaafka meesha looga saaro.

isimoDedaaladda la Doonayo in Khilaafka Meesha lagaga saaro, ayaa waxa wada Siyaasiyiin hore oo Maamulka soo maray iyo Khubaro uu Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay Ee UNSOM uu u xilsaaray inay Meesh ka Saaraan khilaafka dhex yaalla Isimada oo Puntland aad looga Qaddiyo, isla-markaana Saamayn ballaadhan ku siyaasadda iyo Deggenaanshaha Maamulka Puntland.

Isimida Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyey sii kala fogaanayey, iyagoo laba garab oo iska soo Horjeeda u kala Jabay, waxana khilaafkoodu salka ku hayaa Hannaanka loo soo Xulayo Barlamaanka Puntland.

Hawlaha xildhibaanada Cusub ee Puntland ayaa la sheegayaa in khilaafku uu saamayn ku yeeshay, iyadoona xubno ka tirsan Gudiga ay ka biyo diideen in ay raacaan go’aanka isimada soo jireenka ah ay soo jeediyeen ee ahaa in Xildhibaanada loosoo gudbiyo gudiga Marjaca Isimada.

Ugu dambayn waxa jira rajo fiican oo laga qabo in la dhameeyo khilaafka dhexyaalla, maadaama ay Hawsha isimidu muhiim u tahay Guud ahaanba Deganaanshaha iyo Wada Jirka Shacabka Reer Puntland.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed