Qarax Xooggan Oo Maalintii Labaad Oo Isku Xigta Ka Dhacay Ruushka iyo Khasaaraha uu Keenay
Moscow:30-Dec-2013(SDN)-Qaraxii Labaad ayaa muddo laba cisho Gudahood ah ka Dhacay Dalka Ruushka.
Ugu yaraan 10-Qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaadhi nooca lagu adeegto ah oo ku sugnaa magaalada Volgograd ee dalka Ruushka uu qarxay, sida ay baahisay wakaalda Interfax ee dalka Ruushka.
Weerarkan ayaa dhacay Maanta oo Isniin ah, iyadoo shalay uu Qarax dhacay ay ku dhinteen ku dhawaan 17-ruux oo ku sugnaa goob tareenada laga raaco.
Qaraxa ayaa ka dhacaya gudaha baska lagu adeegto oo marayay xaafada Volgograd, marka loo eego qasaarahana waxaa ku dhintay 10 iyadoo ku dhawaad 10 kale ay dhawacmeen”sidaasi waxaa saxaafada u sheegay Irina Gogoleba oo ah afhayeenad u hadashay wasaarada arimaha gudaha ee koofurta iyo gobolada badhtamaha dalkaasi.
Dowlada ayaanan hadal wali kasoo saarin qaraxa labaad ee maanta ka dhacay dalkaasi, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn waxyaabaha sababay qaraxaasi iyo cida ka dambeysay.
Dalka Rusia ayaa uu qaraxu ku soo badanayaa xilli dhawaan ay qoondaysan tahay in lagu qabto ciyaaraha Qaboobaha Ee Adduunka, waxana ay taasi werwer gelinaysaa Dunida iman doonta waddanka Ruushka.
S.D.N