Kooxaha Al-shabaab Oo Ku Hanjabay Inay Weerari Karaan Xarumaha Dawladda Ee Muqdisho, Shacabkana Farriin u Diray
Muqdisho:30-Dec-2013 (SDN)-Kooxaha Dawladda Somalia Dagaalka Kula Jira ee Al-Shabaab ayaa sheegay Inay wali Awood buuxda ku leeyihiin Caasimadda Muqdisho, isla-markaana ay Weerari karaan Xili Kasta Xarumaha Ciidamada Dawaladda iyo Kuwa AMISO.
Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobalka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Al-Shabaab in ay deeganno badan ka maamusho magaalada Muqdisho, taasina ay u fududaynayso inay Qorsheeyaan waxkasta oo ka dhan ah xukuumadda Xasan sheikh Maxamuud.
Wuxuu xusay inay xilli kasta ay weerari karaan xarumaha, dowladda, kuwa AMISOM, kuwa QM iyo meel kasta oo ay rabaan in ay weerar ka geystaan sida uu hadalka u dhigay.
“Xilli kasta oo aan doono ayaan weerarri karnaa xarumaha lagu sheegay wasaaradaha, kuwa gaalada iyo meel kasta oo Muqdisho, waxanu Naqaanaa oo aanu Geli karnaa meel kasta oo ay moodayaan inay Ilaalinayaan” ayuu yidhi guddoomiyaha gobalka Banaadir ee Al-Shabaab.
Dhinaca kale, wuxuu guddoomiyuhu dadka shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan xarumaha dowladda iyo kuwa AMISOM.”Waxaa na dhibaya in aan maqalno qof muslim ah ayaa meeshaas ku dhintay, waa inaad shacabow mar kasta ka Fogaataan Goobaha aanu Beegsanayno” ayuu yidhi.
Al-Shabaab oo Muqdisho laga saaray sannadkii 2011-ka, ayaa haddana waxa ay ka geystaan weeraro iyo dilal qorsheysan.
Kooxaha Al shabaab, ayaa inta badan Weerarro ka Geysta Meelaha xarumaha Dawladda iyo Meelaha kale ee sida xoogga ah loo ilaaliyo, waxana ay taasi caddaynaysaa inay wali ku xooggan yihiin magaalada, isla-markaana ay ku foogan yihiin sidii ay marwalba hadafkooda uga fushan lahaayeen Caasimadda Gudaheeda oo ah Halka ay xukuumadda iyo Madaxdeedu ku sugan tahay.
S.D.N