Ciidamada Xooga Dalka Somalia oo Nidar ku Galay inay Sannadka Cusub Hilfaha u laabi doonaan Alshabaab
Muqdisho 29.Dec 2013 (SDN)- Taliyaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa shaaca ka qaaday qorshooyin ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee Dowladda Soomaaliya dagaalka kula jira.
Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe, ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay kuguda jiraan abaabul ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Sanadka cusub ayuu sheegay taliyaha ciidanka xooga dalka in guud ahaan dalka Soomaaliya laga saarayo Ururka Al-Shabaab ee Dowladda dagaalka kula jira, waxaana uu intaasi hadalkiisa sii daba dhigay in Raga Shabaab udagaalama xilligan aysan haysan hub ay ku dagaalamaan.
Wuxuu xusay taliyaha in Gobalada Shabaab ay ka joogaan dalka Soomaaliya guud ahaan laga saarayo sanadka cusub.
Taliye Indhoqarshe wuxuu kaloo sheegay in guud ahaan la mamnuucay ka ganacsiga tuutaha ciidanka Dowladda, isaga oo sheegay in laga joojiyay dadkii uu usoo dagui jiray tuutahaasi oo ka ganacsan jiray.
Wuxuu dhanka kale xusay inay hada jiraan meelo yar yar oo lagu iibiyo tuutaha ciidanka Dowladda sida ugu dhaqsiyaha badana meelahaasi tallaabo looga qaadi doono.
Saraakiisha Dowladda ayaa waayahan waxa ay kuguda jiraan tayeynta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed si tallaabo looga qaado Ururka Al-Shabaab.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com