Gudi uu Golaha Wakiiladu u saaray Falkii Fashilmay ee lagu Khaarajin rabay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Hargaysa 29.Dec 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha ee wakiiladda oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golahaasi mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [ cirro] ayaa guddi u saaray baadhitaan iyo warbixin ku soo sameeya falkii lagula kacay xildhibaan maxamed faarax qabile ee ka dhacay caasimada hargaysa.
Gudidaas oo ka kooban shan xubnoo d oo kala ah Garyaqaan Mudane Cabdiraxamaan Maxamed Jaamac, Garyaqaan Mudane Ibraahim Jaamac Cali [ rayte] Garyaqaan Mudane Maxamed Saalax Cige iyo la Taliayaha Dhinaca sharciga ee golaha wakiilada Garyaqaan Mustafe Maxamed Cabdilaahi [ daahir] waxa sidoo kale gudoomiyuhu uu shaaca ka qaaday in la ansixin doono laba xubnood oo gudida garsoorka ka tirsan kuwaas oo ay soo gudbiyeen gudidii hore ee golaha garsoorka cadaalada iyo xuquuql insaanka ee golaha wakiilada, sida uu sharcigu dhigayana waxa soo xula gudidad garsoorka waxaana ansixya golaha wakiilada, kuwaas oo maalinta beri ah golaha hor iman doona.
Intaasi ka dib waxay mudanayaashu qodob qodob u ansixiyeen xeerka ciidanka booliiska oo goluhu hore u ansixyay kaasoo hore goluhu u ansixiya balse golaha guurtidu uu kusoo celiayay golaha ka dib markii uuwax ka badel kusoo sameeyay.
Gabagabdii waxa cod gacan taag ah ku ogaaladay 40 mudane halka ay ka aamusen 10 mudane iyadoo aanay jirin cid diiday gudoomiyuhuna muu codayn sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka ciidanka booliiska Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com