|

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Badhasaabada Gobolada oo Kulan Albaabadu u Xidhnaayeen Hargaysa ku Yeeshay

Hargaysa 29.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha jsl  Mudane Cali Maxamed  Warancadde ayaa maanta  gudoomiyeyaasha gobolada dalka kulan albaabadu u xidhanyihiin kula yeeshay xarunta wasaarada arimaha gudaha.

Cali WarancadeeeWasiirka oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankaasi kaga wada hadleen gudoomiyeyaasha gobolada dalka  arimo la xidhiidha dadaalada horumarineed ee ka socda gobolada dalka , xoojint nabadgalayada guud ee dalka  iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee maamulada gobolada iy o dagmooyinka dalka .

Ka dib waxa wasiirku  halkaasi warbaahinta ugu jawaabay su aalo kala duwan  oo ay warbaahintu waydiisay kuwaasoo oo la xidhiidhay  xaalada arimaha gudaha ee dalka .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed