|

Ciidanka Ammaanka Muqdisho Oo Gacanta ku Dhigay Kooxo Bam-gacmeed Ku Weeraray Hutel Saxafi

Muqdisho:29-Dec-2013(SDN)-Ciidanka Ammaanka Muqdisho, ayaa la sheegay inay Gacanta ku hayaan Saddex qof oo looga shakiyey inay Ku Lug lahaayeen Bam-gacmeed aan waxyeello geysan oo xalay lagu Tuuray Afaafka Hore ee Huteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

baadhidBam gacmeedkan oo lagu tuuray Hotelka abaarihii 8-dii fiidnimo ee xalay ayaa kooxaha tuuray ay saarnaayeen gaadhi, kuwaasoo markii dambe ay qabteen Ilaalada Hotelka iyo Ciidamada Booliska.

Qof goob jooge ah oo gudaha Hotelka ku sugnaa ayaa sheegay in mar kaliya uu maqlay qaraxa, kadibna ciidamada ay rasaas rideen, iyadoo durba ciidamada ku baxay kooxihii soo tuuray bamka oo gaadhi yar watay.

Saddexda Ruux ayaa la geeyay Xarunta CID oo aan sidaa uga fogeyn Hotelka Saxafi, waxaana ay saarnaayeen gaadhi yar.

Kooxahan ayaa haatan su’aalo la weydiinayaa, waxana la filayaa in sida ugu dhakhsaha badan maxkamad loo soo taago, maadaama lagu eedeeyey inay gacanta kula jireeen arrimo nabadda shacabka iyo Deggenaanshaha ka dhan ah.

Bamamka gacanta laga tuuro, ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee magaalada Muqdisho haatan haysata, waxana inta badan meelaha la doonayo in la Kharbudo lagu tuuraa Bamka gacanta, iyadoo inta badan aan la qabanin cidda arimahaas ka dambaysa, maadaama ay meesha ka baxsadaan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed