|

Burcad-badeeda Soomaalida oo sanadkan dhamaaday aan Markab qura gacanta ku dhigin

Nairobi Dec 29,2013(SDN)-Burcad badeeda Soomaalida oo dhawr sano ka hor malaayiin doolar ka sameeyay afduubashada maraakiibta isaga gooshta baddaha Soomaalida ayaan sanadkan qabsan markab quraata.

Burcada Soomaalida ayaa sanadii 2009kii waxa ay gacanta ku dhigeen 46 markab oo uu ka mid ahaa Maersk Alabama oo dhawaan film laga sameeyay.

Sanadii 2010kiina waxa ay Burcad-badeeda Soomaalida ee geeska Africa looga kala yaacay ay qafaasheen 47 markab.

Dawladaha reer galbeedka oo maraakiib dagaal oo faro badan u soo diray xeebaha Soomaalida sanadii 2011kii ayaa hoos u dhac weyn ku keeney maraakiibta gashay gacanta burcada oo sanadkaa tiradooduaheyd 14 uun.

Sanadkan gunaanadka ah ayaa waxa burcad badeeda gacantooda aan ku soo dhicin Markab quraata waana hadal heynta u badan ee saxaafada caalamka.

Dalalka ay maraakiibta ka joogto xeebaha Soomaalida ayaa ku celceliya in khatarta burcada Soomaalida aan weli la soo afjarin loona baahan yahay in la sii wado hawlgalada lagula dagaalamayo.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed