|

Cuqaasha, Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed Oo Taageeray Musharaxa: Mohamud Noor Ee Minneapolis 60B “Daawo Sawirida”.

Minneapolis Dec 29,2013(SDN)-Mohamud Noor oo ah musharaxa u taagan doorashada waaxda 60B ee ka mida deegaanda magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, degaankaan oo ah meelaha ay qurbojoogta Soomaaleed sida aadka ah uga muuqato, ayaa waxaa taageero buuxda u balanqaaday Cuqaasha, Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee degan Magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota.

Markii xafladii gaarka ahayd la furay, ayaa waxaa meeshii ka hadlay qaar kamida Cuqaasha, Culimada iyo Waxgaradka – iyagoo xusay taariikhda Mohamud Noor, Aabihiis iyo Awowgiis. Cuqaashii taqiinay reer Noor ayaa xusay in uu ka soo jeedo dad culimo ah, Soomaalinimadu ku wayn tahay, isla markaana waxgal ahaa waqtigii ay noolaayeen, isagana uu yahay nin sidii waalidkiis oo kale jecel in uu wax u taro jaaliyada, isaga oo ay dadka Soomaaliyeed oo dhan isugu mid yihiin.

Waxay Cuqaasha, Culimada iyo Waxgaradka war murtiyoodkoodi ku cadayeen in ay aqabaleen taageeradii uu Mohamud Noor ka codsaday. Hadalkoodi waxay ku dareen in Mohamud Noor uu ahaado qofka dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolis ku taageeraan doorashada dhici doonta sanadka nagu soo aadan 2014 madaama uu yahay ninka kaliya ee leh khifrada iyo kartida howshaasi la rabo in uu lahaado qofka loo doorto masuuliyadaas, isla markaana uu Mohamud Noor yahay qof ka shaqeeya isku duubnaanta jaaliyada Soomaaliyeed ee degan magaaladaan.

Ka dib markii ay dhamaatay xafladii ayaa waxaa si gaar ah aan u waydiiyey in u cadeeyo dadwaynaha Soomaaliyeed ee degan magaaalada Minneapolis arinta la xariirta Hussein Samantar (ALLAH ha u naxariistee).

Mohamud Noor waxaa uu arinkaas ka yiri “ALLAH ayaa iga sareya, Hussein Samatar (AUN) “he was my mentor” madaama uu ahaa qofka igu dhiiri gelin jiray sidii aan u caawin lahayn dadkeena – xaga waxbarashada, shaqada iwm. Waxaa aniga iyo walaakay Hussein Samatar (AUN) naga dhaxayey wanaag wayn, ayaamahii ugu danbayeyna, si gaara ayaan mararka qaarkood ula kulmi jiray, mararka qaarkoodna waxaan kuwada xariiri jirnay facebookga – oo welina hadaladii aniga iyo isaga aan is dhaafsanay ay ku jiraan”

Mohamud Noor waxaa ku dhawaaqi doonaa in uu doorashada ee aqalka hoose ee gobolka Minneasota waaxda 60B ee degaanka magaalada Minneapolis u taagan yahay maalinta ay taariikhda bishu tahay December 29, 2013.

Waxaa soo uruuriyey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka – junlay99@aol.com.

Comments are closed