Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Muquurtay Kulan Ganacsato Soo Abaabushay oo uu La Yeelan Lahaa Cali Maxamed Geeddi iyo Kooxdiisa
Nairobi:29-Dec-2013 (SDN)-Ilo-wareedyo Lagu Kalsoon yahay, ayaa Qurbejoog.com u xaqiiyey inay fashilmeen isku dayo la rabay in Madaxweyne Xasan sheikh lagu kulan siiyo Kooxda ka soo horjeedda Xukuumaddiisa ee uu Hoggaamiye Cali maxamed Geeddi.
Madaxweynaha oo muddo kooban joogay magaalada Nairobi, ayaa la sheegay in koox Ganacsato soomaaliyeed oo halkaas Deggeni isku dayeen inay iska hor geeyaan kooxdan saldhigga ka dhigay Nairobi, si meesha looga saaro farqiqa jira ee kala fogaanshaha keenay.
Isku daygaas Ganacsatada ayaa la sheegay inuu fashilmay, kadib markii uu Madaxweyne Xasan sheikh diiday inuu kulan la qaato ragga cali maxamed Geeddi Hormoodka u yahay, waxana uu cudur daar ka dhigtay inaanu haysan wakhti uu kulankaas kaga qaybgalo, iyadoo taasina niyad jab ku ridday kooxdii hawsha wadday ee Ganacsatada ahayd.
Kooxda uu hormoodka u yahay Ra’iisal wasaarihii ee Somalia Cali Maxamed Geeddi, ayaa iyagu ganacsatada u sheegay inay soo dhaweynayaan Madaxweynaha lana Hadlayaan haddii uu diyaar u yahay, balse Xasan sheikh ayaa taas laga waayey, kulankaasina halkaas ayuu ku fashilmay.
Kooxdan ayaa ka kooban Xildhibaano, wasiirro hore iyo Ra’isal wasaaraha cali Maxamed Geeddi, waxana ay si weyn uga soo horjeedaan Dawladda Xasan sheikh, iyagoo Bixiya Waraysiyo ay ku durayaan waxqabadka xukuumadiisa, waxana ay taasi keentay inuu madaxweynuhu ka biyo diido aragtidooda iyo la Hadalkoodaba.
S.D.N