Guurtida oo dood Wadaag ka Leh Siyaasada Arrimaha Gudaha iyo Dibada ee Somaliland
Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Golaha Guurtuda ee jsl ayaa fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golahahaasi md saleebaan maxamuud Aadan ,ayaa mudanayaashu waxay kaga doodeen siyaasadda arrimaha Gudaha iyo Dibadda ee dalka.
Mudanayaashii dooda maanta ka qayb qaadanaayey ayaa waxay si gaara u tilmaamayeen inuu maanta dalku nabadyahay , waxaanay xukuumadda u soo jeedinaayeen in laga hawlgalo Gobolada Bariga ee dalka, oo ay sheegeen in maamul goboleedka puntland uu faro gailin ku hayo .
Halka mudanayaasha qaarkood si gaara u tilmaameen in siyaasadda Gudaha ee dalku in ay hadda meel fiican ay marayso, waxaanay ugu baaqeen wasaaradda arrimaha dibadda madanayaashu inay xoojiyaan xafiisyadooda ay ku leeyihiin dalka dibadiisa, si dalkeenu u helo ictiraaf buuxa,halka wasaaradda arrimaha Gudaha ay mudanayaashu usoo jeediyeen inay siyaasada cad ka soo saarto dadka Ajaanibka ah ee dalka kusoo badanaaya.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com