Mareykanka oo sheegay in ciidamo uga xiran yihiin Liibiya
Washington(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa markii u horeysay shaacisay in Liibiya ayaa xabsiga u taxaabtay tiro ka mida ciidamadeeda ku sugan magaalada Tripoli.
Wasaarada Arrimaha Dibbedda ee dalka Mareykanka ayaa soo bandhigtay ismaandhaafka ku xeeran xadhiga ciidamadan.
Afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in aaney dawladeeda u cadeyn sababta ciidamadan loo xidhay.
Afhayeenka ayaa sheegtay Jimcihii in ay wadahadal la wadaan dawlada Liibiya si sharaaxaad dheeri ay u helaan.
Safaarada Mareykanka ee Libiya ayaa waxa ku sugan ciidamo dhaqdhaqaaqooda uu kooban yahay.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com