ALADII WASIIR WARANCADE IYO TABAALADA CISBITAALKA MAANDHAYE EE BURCO
“War xumi dugsi ma fahdiisto.” Soomaalida ayaa ku maahmhaada marka uu war foolxun oo dhiilo lihi yimaado.
Waxa Somaliland dhawaan ka baxday dhakhtaradii kali ahayd ee ku takhasustay cudurada maskaxda (dhimir ka) oo ka hawl gali jirtay cisbitaalka Maandhaye ee magaalada Burco. Dr Faadumo Sh Cali Jimcaale oo wadamada Yurub wax ku baratay, ka na shaqaynaysay mudo dheer, oo leh tobanaan sano oo khibrad ah, ayaa laba sano hortood go’aansatay in ay si iskaa wax-u-qabso ah ka ga hawl-gasho cisbitaalka Maandhaye ee magaalada Burco. Cisbitaalkaas oo kaliya may ka shaqaynaynin, ee waxa u dheeraa in ay tababar iyo tacliin siinaysay dhakhtaro hadda meel wacan maraayay oo barito dalka iyo dadka anfici lahaa. Si kastaba, Dr Faadumo iskeed u ma gudoonsan in ay iska baxdo ee waa la gu kalifay in ay sidaas yeesho. Bishii galbatay ee November, 21 keedii, 2013, waxa Wasaaradda Amuuraha Gudaha ee Somaliland laga soo amray in Dr Faadumo la xidho. Sidii baa la yeelay, Dr Faadumo na xabsiga ayaa la gu tuuray. Jeelka Burco ayaa la dhigay, ka dib na, xabsi-guri ayaa loogu bedalay. Dadaalo badan oo la sameeyay ka dib, Dr Faadumo xabsiga waa la ga sii daayay, ka dib na, toos bay wadanka u ga baxday.
Inta aynaan galin warka cisbitaal ka Maandhaye, iyo sababta xabsiga keentay, aan is waydiino su’aasha ah: horta Dr Faadumo waa tee? sida magaceeda ba ka muuqata, waxa Dr Faadumo dhalay siyaasigii Reer-Baladwayne, ee can ka ahaa sanadihii 1950nadii Ilaa 60kii. Ilaahay ha u naxariisto ee aabeheed wakhtiyadii dawladihii rayid ka ahaa (1960 ilaa 1969) wuxu qabtay xilal badan oo heer Wasaaradeed ah, Xildhibaan baarlamanka ka tirsan na wuu ahaa. Dr Faadumo iyada oo 14 sano jirta ayaa uu aabaheed badhtamihii 1960 nadii tacliin ugu diray magaalada Moosko, oo ahayd caasimadii Midawga Soofiyeedka. Badhtamihii 1970 nadii ayay jaamacadda caafimaadka shahaado ka qaadatay, ka dib na waxay u soo wareegtay wadanka Denmark, halkaas oo ay takhasus ku samaysay, dhakhtar ahaan na ka ga hawl gashay. Sodomeeyo sano ayay ka shaqaynaysay Denmark, Norway, Jasiiradda Greenland, iyo aakhirkii oo ay u soo wareegtay Burco iyo cisbitaal ka Maandhaye.
Fiiro gaar ah: wadamada xaaladeena oo kale ku jira, xanuunada maskaxdu aad bay u gu badanyihiin, Somaliland na ka ma duwana taas. Saddexda xaaladood, ee ka la ah: Burbur ka iyo naxdinta badan ee dagaalada la ga dahxlo, isticmaalka daroogada tirada badan sida jaadka oo kale, iyo shaqo la’aan ta baahsan, intaas oo la isku daray baa maskaxda dhaawacyo u gaysta, intu ba na wadankeena si xoog ah bay u ga jiraan. Sidaas oo ay tahay, wadankeena hal dhakhtar oo xanuunada dhimirka ku takhasusay ma joogin Dr Faadumo ka hor, imika na ma joogo.
Si xaaladaas baahsan ee xanuunada maskaxda wax uun loo ga qabto, dhalinyaro is abaabushay oo gobol ka u dhalatay – Togdheer Abroad Foundation (TAF) ayaa tunka u ridatay in la dhiso cisbitaal xaaladan la tacaala oo Burco la ga dhiso, waanay suurowday Ilaahay mahadiis. Cisbitaalka maandhaye ee Burco maanta waa mid ka mid ah mashaariicda ay tahay in lagu faano ee gobolka ka hir galay. Waa mashruuc aan hay’ad iyo ajnabi loogu baryo tagin oo dadwaynuhu ay dhisteen. Gudo iyo debedba waa la isu gu tagay hawshanh. La ga soo bilaabo odayaashii Gudi ga horumarinta Gobolka Togdheer – (Maxamed Xuseen iyo Maxamuud Aadan-dheri), ee dhulka hadda uu cisbitaalku ka dhaisanyahay soo dhameeyay, ilaa ganacsatada wadanka (Dahabshiil, Indhadeero, Telesom iwm), Qurbejooga oo sababta ba lahaa, dhaqaalaha na ilaa hadda bixiya, ilaa xukuumadda Somaliland oo cisbitaalka sanadkiiba dhaqaale ku taageerta, mashruucan cid aanu tacab ka galini ma jirto. Aniga ayaa u gu yar oo qaadhaan iyo olole qaadhaan-ururin ah ba waan ka galay dadaalkii loo galay Maandhaye, wixii dib-u-dhac ah ee ku yimaada na waan ka xumahay.
Mudane Cabdi Xariir, oo ka mid ahaa dadkii maal, wakhti iyo maskax ba galiyay hir galista cisbitaalkaas, oo Dr Faadumo na la shaqeeyay ayaa ii sheegay in Dr Faadumo aanay dhakhtar kaliya ahayn, laakiin ay saaxiib dhaw la ahayd dadka xanuunsanaaya ee ay u adeegayso iyo ehelkooda ba. Waxay aaminsantahay, kuna shaqaysay, hab ka ah in aan dadka buka xarumo loo cayimay la gu haynin wakhti dheer, oo taas badal keeda, guryahooda iyo bulshada dhexdeeda la gu daaweeyo (community psychiatrist aproach). Maalin kasta ba waxa ay u adeegi jirtay bukaan-jiif ay ku aragto 15 qol oo Maandhaye leeyahay, tiro aan cayinayn oo bukaan-socod ah, oo maalin kasta u imaan jirtay, iyo usbuuc kasta ba maalinta Khamiista oo ay dadka guryahooda ugu tagi jirtay.
Su’aasha hadaba meeshan ku jirtaa waxa ay tahay, maxaa dhacay? Maxaa Dr Faadumo lagu galay? Maxaa kalifay in ay is waayaan bukaankii Cisbitaal ka Maandhaye iyo dhakhtaradii kaliya ee ka hawl galaysay? Jawaabtan soo socota, oo aan mid la gu qanci karo ahayn ayaa miiska taala. Dr Faadumo waxa ay ka qayb gashay shir Muqdisho ka dhacay oo caafimaadka ku saabsan. Dambiga ay gashay, ee iyada iyo Cisbitaalka Maandhaye ba dhibta u kenay kaas weeyaan! Bal u fiirso. Dhab weeyaan in ay Dr Faadumo shirkaas ka qayb gashay, wax taas u diidayaa na ha ba yaraatee ma jirin. Mar shirka dhexdiisa laga sheegay in ay Dr Faadumo gobolka Togdheer ka socoto na, isla shirka ayay ka sheegtay in aanay gobol na ka soconin ee qof ahaan teeda loo marti qaaday. Ku darso, Dr Faadumo dhalasho ahaan ka ma soo jeedo deegaamada Somaliland, xil na u ma hayso, siyaasiyad na ma aha. Sidee cidiba u gu qoonsan kartaa in ay shir ka qayb gashay? Ma waali baa tani mise waa miyir qab? Aniga waxa ay I la tahay arintaasu in ay tahay foolxumo, ayna ku dhacday ka fiirsi la’aan. Wax kasta oo aan laga fiirsanin na, foolxumadaas buu ku dambeeyaa.
Waa ceeb iyo foolxumo aan sin a ba loo macnayn Karin. Xataa hadii miisaan ka Somaliland nimada la saaro, dhacdadan jawaab loo ma heli karo. Dr Faadumo hadii ay shir u tagtay dhulkii ay dhalasho ahaan ka soo jeeday, maxaa ku jaban? Hadii la leeyahay Somaliland waa meel gooni ka ah Soomaaliya, miyaanu qof ka Somaliland ka shaqeeyaa u bixi Karin Soomaaliya sabab iyo sabab la’aan ba? Miyaanay ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshadu maalin kasta Muqdisho sababo kala duwan u aadin? Maxaa Dr Faadumo la gu maagay? Maxaa Maandhaye dadka jiifa ee ay dhakhtaradda u ahayd loogu jawaabayaa? Miyaanay talaabooyin ka noocan oo kale ahi dhamaanteen sumcad xumo I na gu ahayn? Sidaas baa dawlad lagu noqonayaa miyaa? Waxa xusid iyo amaan ba mudan, in Wasiiro xukuumadda ka mid ah, sida Dr Sacad Cali iyo Faadumo Qawdhan ay dadaal xoogan ka galeen xabsi ka sii daynta Dr Faadumo, ku na guulaysteen. Dr Faadumo waxay dalbatay in aanay raali-galin afka ahi ku filnayn, oo ay tahay in qoraal rasmi ah loo keeno, laakiin taasu ma dhicin.
Si kastaba, waxay I la tahay in caano daatay dabadood la caymiyo. Waxa haatan xukuumadda Somaliland, iyo gaar ahaan Wasiir Warancade la gudboon, in ay arintan xaal-marin qayaxan oo dhakhso ah ka sameeyaan. Waa in ay raali-galin qoraal ah noqoto sidii ay Dr Faadumo dalbatay, ka dib na dhakhtarada iyo maamul ka urur ka Togdheer Abroad Foundation la la xidhiidho oo loo gudbiyo. Ka dib xaal-marin taas bilaa shuruud da ah, waa in Dr Faadumo la ga codsado in ay dib u gu soo laabato Cisbitaalka Maandhaye. Taas baa qalad kaas la gu sixi karaa. Nin habari dhashay hal ma seegi waayo, qalad baa dhacay na ceeb ma aha. Waxa qalad ah in qalad ka la gu adkaysto.
Qalinka: Maxamed Haaruun
E-mail: mbiixi@gmail.com