|

Beelaha Gaboobe Oo Ku Dhawaaqay Inay Somaliland Caddaalad Darro Uga Tegayaan

 

Hargeysa:28-Dec-2013(SDN)-Waxa sii Kordhaya Kala Fogaanshaha u dhexeeya Xukuumadda  Somaliland iyo Beelaha Laga Tirada badan yahay ee Waddanka Ku Nool, kadib qulqulatooyin cabashooyin iyo cadaadis ah oo Beeshu tirsanayso.

 

naasirWaxgaradka iyo Cuqaasha Beesha Muuse Dheriyo ee ku Nool Somaliland, ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay inay yaqiinsadeen inaan somaliland waxba u oollin, sidaas darteedna ay arrintaas taladeeda iyo wixii ay ka yeeli lahaayeen ku maqan yihiin.

Suldaanka Guud ee Beesha Muuse Dhariyo Suldaan Naasir Suldaan Cabbdi Ismaaciil iyo Caaqilka Guud ee Beesha Muusa Dhariyo oo guddoominayey kulan guud oo ay beesha Muuse Dhariyo kaga tashanaysay  dhibaatooyin is biirsaday oo Dawladda Somaliland dadkiisa ku hayso, taas oo ay ugu weyn tahay in Xubin Beesha ka mid ah oo Guddida Caddaaladda ugu jirtey la doonayo in laga saaro oo xubin kale lagu beddelo.

Suldaan Naasir oo la  Hadlayey Warbaahinta markii shirku dhammaaday, ayaa xusay in Guddoomiye Cirro  iyo Golihiisu ku foogan yihiin sidii xubintaas Guddida caddaalada ugu jirta ay meesha uga saari lahaayeen, haddii ay arrintaasi dhacdana ay somaliland uga tegi doonaan caddaalad darro.

Suldaan Naasir waxa uu sheegay isagoo ku hadlaya magaca Beesha Muuse Dhariyo Barriga iyo Galbeedka Somaliland in ay ka dhamaatay dul-qaadkii iyo Samirkii ay Somaliland ku joogeen isagoo sheegay Beesha Isaaq in ay in badan u dul-qaadanayeen cadaalad darada ay ku hayso, waxaanu ku tiraabay in ay hore ugu eedayn jireen in ay Siyaad Bare ka raaceene in ay maanta Somaliweyn raacayaan haddii aan xubinta ay ku leeyihiin Guddida Cadaaladda loo dayn.

 

Suldaan Naasir waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda iyo Golahaba ugu baaqay in ay talaabadaas ka snoqdaan oo ay joojiyaan in xubintoodii ay cid kale siiyaan isagoo sheegay haddii xubintooda la saluugay inay soo bedelayaan, laakiin waxa uu ka digay oo uu Cirro Farriin uga dhigay sidii beeshiisu u difaacaysay in ay iyana xubintooda u difaacanayaan.

 

Suldaan Naasir waxa uu sheegay Somaliland in ay leedahay Calan uu Tawxiidku ku xardhan yahay Kafad iyo Miisaana astaan u tahay, hase yeeshee Beel ahaan ay arkaan in Kafadaasi dheeliday, waxaanu ku baaqay in calanka Somaliland la dajiyo maadaama aan cadaalad hoostiisa lagu maamulaynin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed