|

Shan laash oo la Gudoonsiiyay Iskaashatada Kalluumaysiga ee Saylac

Saylac 27.Dec 2013 (SDN)- Badhasaabka Gobolka Salal ayaa shan laash ka gudoomay Ururka Dhalinyada Ramad,  oo wakiil ka ahaa Ururka Samafalka Gobolka Salal ee Hudoon Human Development Organization  Network oo ugu deeqay iskaashatooyinka kalluumaysiga ee degmooyinka Saylac iyo Lughaya.

 

laashasBadhasaabka Gobolka Salal C/laahi Faarax Meydhane ayaa waxaa gudoonka gaadiidkan ku wehelinayay Isuduwaha wasaarada kalluumaysiga  gobolka Salal C/qaadir Ismaaciil Jaamac iyo Xildhibaan C/Naasir Jaamac Xoosh(Tallaabo) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Degmada Saylac,Talaiye xigeenka Booliska  Qaybta Gobolka Salal laba  xidigle Cismaan Xaashi Daahir.

Munaasibadaas  ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Ibraahim Cumar Axmed oo ka mid ah Ururka  Dhalinyada Ramad oo ku hadlayay afka Ururka Samafalka Gobolka Salal Ee Hudoon waxaanu  si weyn ugu mahad celiyay  Uruka Hudoon.

 

“Anigoo ku hadlaya afka Magaca Ururka Samafalka Hudoon waxaan ku faraxsan nahay inaan maanta ku wareejino Maamulka Gobolka Salal 5 Laash oo ah nooca kaluumaysiga oo aanu ugu tallo gallay Degmooyinka Saylac iyo Lughaya, waxa degmaddaSaylac ay leedahay laba laash, halka degmadda Lughayana ay leedahay saddex laash, sidaa darteed waxaan Badhasaabka Ku wareejinayaa furayaasha Laashash kani,”ayuu yidhi Ibraahim Cumar

Waxaa kale oo isna goobtaasi ka hadlay Isuduwaha  Wasaarada kalluumaysiga Gobolka Salal Mudane C/qaadir Ismaaciil Jaamac oo aad ugu mahadceliay Cid kasta oo gacan ka geysatay Hawshan balaadhan ee ah Horumarinta hawlaha ka faa’iidaysiga khayraadka Badda ah.

Gudoomiyaha Gobolka Salal Mudane C/laahi Faarax Meydhane ayaa ammaan balaadhan u jeediyay ururka shantan laash ugu deeqay Iskaashatooyinka kalluumaysiga waddaniga ah ee deegaanka gobolalka Salel, waxaanu ugu baaqay in iskaashatooyinku ay ka faa’iidaystaan oo ilaashadaan deeqdan shaqadooda fududaynaysa ee la gudoon siiyay.

 

 

Intaasi  ka dib waxa uu badhasaabku kala wareegay Ururka RAMAD furayaasha  shan  Laash oo loogu tallo-galay Degmooyinka Saylac iyo Lughaya,waana markii u horaysay ee Mucaawino noocan oo kale ah timaado Deegaanada Saylac iyo Lughaya.

Saylac SDN/.

Qurbe

Comments are closed