|

Madaxda Igad oo Ugu Baaqay Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Konfurta Sudaan inay Joojiyaan Dagaalka

Nairobi 27.Dec 2013 (SDN)- Madaxda IGAD oo Maanta oo Jimco ah  kulan ku yeesheen xarunta dalka Kenya ee Nairobi ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ka soo saareen shirka Xaaladaha Murugsan ee dalka South Sudan.

IGAD-374x300Warsaxaafadeed Madaxda IGAD ayaa lagu sheegay in si dhaqso ah dagaalka loo joojiyo, 10 Maalmood gudahooda la furo Wadahadalo u dhexeeya labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Kenya oo markii shirku soo dhamaaday la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxdu ay si aad ah uga hadleen sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa dagaalada ka socda dalkaas.

“Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo uu dagaalkani u dhexeeyo ayaa loogu baaqay inay dagaalada joojiyaan ayna wadahadalo ku bedelaan” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan madaxtooyada Kenya.

Kulankan oo albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo ah madaxweynaha Midowga Afrika, iyadoo madaxdu ay go’aamiyeen in dagaalada socda aan loo rogin kuwo sokeeye oo beelaha dalkaas dhexmara.

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka ugu cusub ee Afrika ayaa u dhexeeya ciidamada dalkaas oo hab beeleed u abaabulan, waxaana dagaalkaas uu ku baahay magaalooyin badan oo dalkaas ka tirsan.

Warsaxaafadeedka kulanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Wasiirada Arimaha Dibada IGAD ay mar kale ku laabtaan Magaalada Juba si ay u raadiyaan sidii ay dhinacyada dagaalamaya u furi lahaayeen wadahadalo aan shuruud lahayn.

Madaxweynaha dalka South Sudan Salva Kiir ayaa ka ogolaaday Wasiirada Arimaha Dibada IGAD oo dhawaan booqday Jubba, iyagoo sidoo kalena uu la kulmay shalay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Hailmemariam Desalegn oo kulan la qaatay Kiir.

Dhanka kale Hogaamiyeyaasha Dalalka IGAD ayaa waxay ku baaqeen in la ilaaliyo oo aanu dagaalka saameyn ku yeelan shacabka, ciidamada Nabad ilaalinta ee UN-ka iyo Shaqaalaha samafalka ee dalkaas ku sugan.

Inkastoo warmurtiyeedkan lasoo saaray ayaa hadana dagaalada South Sudan ka socda waxaa ku dhintay Kumanaan qof oo u badan shacabka u dhashay dalkaas oo qaarkood hab beeleed loo gudmaaday.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed