|

Gaadiidkii Biyaha Dhaamin Jirey Oo Wali Shaqo joojin ku Jira Iyo Caasimadda Hargeysa Inteeda Badan Oo Biyo La’aani Hayso

Hargeysa:27-Dec-2013(SDN)-Wali waxa Shaqo-joojintii ay shalay bilaabeen ku jira Gaadiidka Booyadaha loo yaqaanna oo biyaha u dhaamin jirey Inta badan xaafadaha iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa.

BIYO LA'AANShacabka magaalada Ku Nool ayaa ay biyo la’aani soo foodsaartay, waxana ay haatan halis ugu jiraan inay Guud ahaanba biyo waayaan, maadaama gaadiidkii biyaha u keeni  jirey ay noqdeen qaar la tiiriyey oo meel la dhigay.

 

Shacabka ku Nool Caasimadda gaar ahaan Deegaamad xiga dhinacyada Koonfurta iy Bariga ayaan wax biyo ah helin ilaa shalay, maadaama iyaga aanay qasabadaha Biyuhu gaadhin oo ay ku nool yihiin biyaha ay kkeenaa Booyadahan shaqada joojiyey.

Waxa caasimadda ilaa iyo Maanta lagu arkayaa shacabkii ku dhaqnaa Koonfurta iyo Bariga magaalada oo Jirikaamo badan kulla sii qulqulaya Qasabadaha ku yaalla Waqooyiga iyo Badhtamaha magaalada, iyagoo halkaasna kaga jira Safaf Dhaadheer  si ay biyo u helaan.

Dadkan jirikaamada sita oo qaarkood  ka yimadeen masaafo jirta Dhawr kiloomitir, ayaan hubin inay Biyo heli karaan, maadaama ay ku jiraa Safaf dhaadheer, islamarkaaana aanay haysan wax ay ku qaataan Biyaha haddii ay helaanba.

Dumarka ayaa iyagu jirikaamo culculu dusha ku sida, waxana ay la lugaynayaan masaafo dheer iyagoo qaarkoodna ay kiraysteen Gaadiid u qaada biyaha.

Caasimada Hargeysa oo ay markii horeba biyo Yaraani haysay ayaa ay haatanna ugu biirtay ganaaxan ka yimi Dhinaca Booyadaha oo ay dawladdu masuulka ka tahay, waxana muuqata in Biyo yaraantii hore mid ka sii dararni ay haatan soo korodhay, maadaama ay meesha ka baxeen Biyihii Booyaduhu ka keenayeen meelo ka baxsan magaalada oo haatan la isku yimi intii yarayd ee Qasabaduhu keenayeen.

Gaadiidkan oo ka cabanaya Cashuur xad-dhaaf ah oo wasaaradda Maaliyaddu ku kordhisay, ayaan helin wax jawaab ah oo la xidhiidha dacwaddooda, waxana ay ku qanceen inay shaqada joojiyaan, maadaama dusha laga saaray cashuur aanay qaadi Karin.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed