|

Ciidanka Ammaanka Masaarida OO Xoog Ku Galay Jaamacad Dalkaasi Ku Taalla, Tiro Arday Ahna Laayey

Qahira:27-Dec-2013(SDN)-Ciidanka ammaanka ee Masaarida ayaa la sheegayaa inay Xoog ku Galeen Jaamacadda Allsar, waxana la sheegayaa inay jiraan Dhimasho iyo Dhaawac xooggan oo soo gaadhay Ardaydaasi.

 

misraCiidamada ayaa la sheegay in galeen Jaamacadda Xalay Fiidkii Hore, waxana ay halkaas ugu galeen Arday aad u kacsan oo diiddan xukunka ay ciidanku xoogga ku haystaan, iyadoo taasina ay keentay inay ciidanka iska cabin kala hortagaan.

 

Ilaa iyo Haatan waxa la sheegayaa inuu 1-arday ku dhintay, halka ay arday kale oo baani ku dhaawacmeen, iyadoo la arkayey ciidanka oo rasaas Nool u adeegsanay Ardayda ku jira Jaamacadda.

 

Iska hor imaadka u dhexeeya Ardayda iyo Ciidanka ayaa muddo badan socday, waxana la sheegayaa in ardaydii goobta ku dhaawacantay loo qaaday cisbitaalada waaweyn ee dalka, iyadoo gadoodka ardayduna uu sii batay.

 

Inta badan Ardayda Jaamacadaha ee dalkaasi ayaa si weyn uga soo horjeeda Militariga waddanka xooga ku qabsday, waxana dhacda Mudaharaaddo ay xarumahooda ka dhex samaynayaan, iyadoo Kumanaan ka mid ah Ardayduna ay jeelasha ka Buuxaan xilligan.

 

Dalka masar ayaa u muuqda mid raran cusub cagaha la sii geliya, waxana haatan soo kordhay Isku dayo cusub oo lagu qarxinayho meelo ka mid ah waddanka, taas oo ay ku dhinteen tiro dad ah oo u badan ciidan.

 

Ciidanka waddanka haysta ayaan wali wax jixin jix ah muujinin, waxana ay gacan bir kala horagayaan cid kasta oo isku dayda inay xukunkooda ka hor timaaddo.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed