Hargaysa: Gaadiidka Booyadaha Biyaha Waraabiya Degsiimooyin badan oo Hargaysa ah oo Shaqo Joojin ku Sameeyay
Hargeysa 26.Dec 2013 (SDN)-Booyadaha Biyaha u dhaamiya Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa ku dhaqaaqay mudaharaad shaqo joojina oo ay kaga cabanayaan cashuurtii wado marista booyadaha oo ay sheegeen in lagu shan jeer laabay taasoo markii hore ahayd 80,000 (Sideetan kun Oo S/land Shilin ah) imikana laga dhigay 430,000 Sl Shilin .
Booyadahan Mudaharaadka sameeyey oo isku urursaday laba goobood oo kale ah beer Shiraaqle Hotel ka danbaysa iyo Geerash Maansoor Hotel ka danbeeya ayaa mar aan galabta labada goobood-ba isu maray kula kulmay Booyado Tiradoodu boqolka kor udhaaftay kuwaasoo dhaamaantood kasiman go’aanka shaqo joojinta ah .
Dhinaca kale mid ka mida Mulkiilayaasha Booyadahan Shaqada joojiyey oo aan wax ka weydiiyey sababta dhalisay mudaharaadkan ay shaqada ku joojiyeen iyo ilaa waqti ay bilaabeen shaqo joojintan ayaa waxa uu ii sheegay inay shaqo joojinta bilaabeen ilaa 4tii galabnimo ee maalintii Arbacada ee 25/1/2013 Oo shalay ahayd isagoo sababta dhalisay shaqo joojintoodana ku tilmaamay inay tahay cashuurtii Wado marista Booyadaha oo la shan jeer laabay taasoo markii hore ahayd 80,000 (Sideetan kun Oo S/land Shilin ah) imikana laga dhigay 430,000 Sl Shilin .
Dhinaca Agaasimaha Xafiiska Badbaadada iyo Nabad Galyada Caasimada ee Dawlada Hoose Mr. C/qaadir Cumar Xaashi Oo aan kula kulmay goobta Booyaduhu ku mudaharaadeen ee ay iskugu tageen oo aan wax ka wediiyey ka maamul ahaan waxay arintan ka qabteen ayaa waxa uu ii sheegay in arinta maanta uu ku war heleen isla markaana hada (waqtigan aan la kulmay) uu goobta uu uyimi arintaas xalin teeda
Dhinaca kale Agaasimaha Xafiiska Badbaadada iyo Nabad Galyada Caasimada ee Dawlada Hoose Mr. C/qaadir Cumar Xaashi waxa uu booyadaha u soo jeediyey in hoos loo eegi doono wixii suurto gala ee cabashadooda ku saabsan
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com