|

Culimaa’udiinka Puntland Oo Soo Saaray Bayaan Ka Kooban Toban Qoddob Oo Nabadda iyo Wada jirka Bulshadooda Muhiim u ah

Garowe:26-Dec-2013(SDN)-Kulamo Muddo socday oo ay culimaa’udiinka Deegaanada Puntlland ku lahaayeen Magaalada Garoowe ayaa laga soo saaray Toban Qodob oo aad muhiim u ah.

 

nadwoCulimada ayaa halkaas ka waday Nadwo dheer oo Habeeno socotay, taas oo salka ku haysay Nabadda iyo Deggenaanshaha Deegaanada Puntland.

 

Qodobada ka soo baxay Nadwadii Culimada oo ahaa Toban ayaa u dhignaa Sidatan:

 

 

1:- Iimaan dhamaystiran in lahelo oo qofku leeyahay ,maxaa yeelay asal ay isku xiran yihin amniga iyo iimaanka qofkastana amnigiisu leg yahay inta imankiisu le’egyahay.

 

2:- In qofku noqdo qof wanaagsan ee ilaahay ku xiran si wanaagsanna u caabuda ,taasoo macneheedu yahay markasta oo qofku ilaahay ku xiran yahay inuu ka fogaanayo wax kasta oo mani darro keeni kara.

 

3:- Habka sadexaad ee lagu gari karo amniga waa ducada ,waxaana laga rabaa qof kasta oo muslim ah in ilaahay ka baryo amni uuna fahmo ducadu inay tahay furaha albaabada khayrka aduun iyo aakhiraba.

 

4:- Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo amniga waxaa kamida in lagu xirmo dadka culimada ah ee aqoonta leh iyo wax gardka ,taasoo macneheedu yahay in talada aan cid kasta gacanta loo galin ee loo daayo dadka wax garadka ah.

 

5:- In maamul lahelo iyo dawlad loona aqoonsado dawladnimadu in ay tahay in dadka danhooda laga shaqeeyo ee aan laga dhigan meel laga cooto oo xoolo laga aruursado .

 

6:- In bulshada lagu wacyi galiyo ahmiyadda amnigu leeyahay iyo waliba khatarta ka dhalan karta amni darada ,lana fahnasiiyo bulshada in sidaa lagu gaari karo midnimada iyo iku duubnida waayo dadku waxa ay wada saaran yhiin.

 

7:- In la helo walaaltinmo iyo isku duubni , lalana diriro qabyalada iyo wax kasta oo ka horimaanya isjacaylka iyo isku xiraanta bulshada iyo midnimadeeda.

 

8:- In laladiriro dhibka iyo wax kasta oo cid dhibaato u gaysan kara ,taasna loo baahanyahay in qofkasta uu ka bilabo naftiisa muslimkuna ka nabadgalo afkisa iyo adinkiisa.

 

9:- In la dhaqan galiyo sharciga islaamka laguna dhaqmo qawaaniinta islaamka ee qofka xadidaysa habdhaqankisa,lana mariyo qofka amni darada wada ciqaabta uu mudan yahay si loogu quusqaato asna uga waantoobo inuusan mardanbe unoqon.

 

10:- Inaan ku shukrinno nimcada ilaahay oo ay ugu horayso islaamnida amniga walaltinimada isku duubnida si ilaahay noogu daayo ,haddii kale ilaahay waxa uu nogu badlaya hoog iyo colaaad ,sidaa darteed waa inaan noqonaa cid xagsankarta ilaahay nimcadiisa.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed