|

Soomaaliya oo ka mid noqotay wadamada ugu tacadiyada badan Dunida

London Dec 26,2013(SDN)-Warbixin sanadle ah oo ay daabacday Hay’ada Maplecroft ayaa shaacisay tirakoobka wadamada dunida ugu tacadiyada badan.

Tirakoobtan oo ah teedii todobaad ee ay Maplecroft daabacday oo la yiraahdo Human Rights risks  ayaa lagu eegay khataraha tacadi ee dalalka caalamka.

Warbixintu waxa ay baartay ilaa 197 wadan oo ay qiimeysay ilaa 31 tacadi oo dhaca heerarka ay kala gaarsiisan yihiin.

In ka badan 34 wadan ayaa muujiyay in ay suurtogal tahay in ay tacadiyo biniaadamka ka dhan ah ka dhacaan.

Wadamada ay warbixinta Maplecroft daabacday ayaa lagu sheegay in shanta wadan ee ugu liita ilaalinta xuquuqda aadanaha in ay kala yihiin Syria,Sudan,DRC,Pakistaan iyo Soomaaliya.

Hay’ada Maplecroft ayaa u aaneysay tacadiyada dalalkan ka dhaca qaar lagu xakameynayo xuquuqaha siyaasadeed,xoriyutul qawlka iyo awood jecleysiga.

Tacadiyada ugu badan ee dunaida ayaa lagu sheegay i ay ka dhacaan bariga dhexe iyo Africa oo 70% tacadiyada dunidu ka dhacaan.

Warbixinta ayaan lagu xusin dalalka Ruushka iyo Ugaandha oo beryihii u danbeeyay saxaafadu aad u hadal heysay tacadiyo dalalkaa ka dhacayay.

SDN-London
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed