Waa In Ciidamo Dheeraad Ah Loo Diraa Koonfurta Suudaan” Ban Ki-Moon Xoghayaha Q.Midoobay
New York 24.Dec 2013 (SDN)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ku baaqay in ciidan dheeraad ah oo nabad ilaalin loo diro dalka Koofurta Sudan, halkaasoo dagaal isir ku saleysan uu ka socdo.
Ban Ki-moon ayaa sheegay in 5,500 askari loo diro Koofurta Sudan, kuwaasoo ku biira ciidamo xoogan oo gaaraya 7,000 askari oo halkaas jooga.
Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta uu u codeeyo qaraarka lagu dalbanayo in ciidamo dheeraad ah lagu geeyo Koofurta Sudan.
Dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo mucaaradka taageersan madaxweyne kuxigeekii hore ee Koofurta Sudan ayaa ka socda gobolada dalkaas, kaasoo galaaftay nolosha ilaa kun ruux.
Xasuuq ayaa la soo sheegayaa inuu dhacay markii ilaa labo boqol oo ruux oo ka soo jeeda qabiilka Nuer ay laayeen ciidamada ammaanka ee ka soo jeeda qabiilka Dinka.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ayaa beegsanayay dadka aan ku hadli karin lahjada Dinka ee uu ka dhashay Madaxweyne Salva Kiir.
Mucaaradka ayaa la wareegay inta badan magaalooyinka gobolada dalka, waxaana ugu dambeeyay Gobolka saliida hodanka ku ah ee Unity.
Muwaadiniinta ku sugan dalkaas ayaa wadamadooda ay diyaarado u soo dirayeen, si ay ugala baxaan, waxaana ku dhowaad afartan kun ay gabaad galeen xeryaha Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ku leeyihiin magaalada Bor iyo Juba.
New york SDN.
Qurbejoog.com