|

Shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo dib loo dhigay mar kale ilaa dabayaaqada bisha Soo Socota

Hargaysa 24.Dec 2013 (SDN)- Gudida qabanqaabada ee shirweynaha  Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda guud ee caasimadda hargeysa waxa ay go’aamiyeen in dib loo dhigay qabashada shirweynahii rasmiga ahaa ee xisbiga tan iyo 21 bisha soo socota ee Janaury.

kulmiye6Gudoomiyaha Gudida qabanqaabada ee shirweynha xisbiga Md Abuubakar Xaamud Jibriil ayaa sheegay inay guddi ahaan isla qaateen in maadaama xiligii shirweynaha xisbiga la qaban lahaa uu hoosta inaga soo galay ay lama huraan noqotay in fursad la siiyo gudida qabanqaabada, go’aana lagu gaadhay in qabashada shirweynaha loo muddeeyo 21-ka bisha Janaury ee soo began.

Dhankiisana gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa isna hadal uu munaasabadaasi ka jeediyey waxa uu sheegay in guddoonku xisbigu ay aqbaleen go’aamada gudida qabanqaabada isla markana ay ku kalsoon yihiin.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed