Baarlamaanka Somalia Oo Maanta Lagu Wado Inuu Codka Kalsoonida u Qaado 15-ka Guddoomiye Ee Guddi-hoosaadyadiisa
Muqdisho:24-Dec-2013(SDN)-Waxa Maanta lagu wadaa in Baarlamaanka Somalia uu Codka Kalsoonida ah u qaado 15-xubnood oo horjoogayaal u ah 15-Guddi-hoosaad ee Baarlamaanku ka kooban yahay.
Baarlamaanka ayaa ayaamahanba lahaa dood dheer oo ku saabsan beddelaadda Xubnahan shaqada hayey mudddada sanadka ah, waxana lagu wadaa inay maanta soo gebagebeeyaan Dooddoodda ka dibna codka u qaadaan xubnahan hawshooda lagu soo jirey.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynada baarlamaanka ayaa sheegay in afar mudane oo ka hadhay mudanayaal is qoray inay ka doodaan mooshinkaas ay maanta hadli doonaan, lana soo gaba gabeynayo dooda.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in cod qaadista ay hal mar tahay, isla markaana 15-ka gudoomiye aan mid mid codka loogu qaadeyn, balse si jamac ah loogu qaadayo.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa leh Gudi hoosaadyo ka kooban 15- gudi, kuwaasoo la xisaabtama hey’adaha dowladda, waxaana gudi walba uu xilsaaran yahay in hey’ad walba howsheeda uu daba galo, lana xisaabtamo.
Tallaabadan lagu doonayo in xilka lagaga qaado xubnahan muddada soo shaqayaney, ayaa yimi kadib markii Baarlamaanku isla gartay in hawshoodu u baahan tahay Dardar gelin iyo wax ka beddel, isla-markaana xildhibaano badani tilmaameen in Fadhiidnimada Baarlamaanka ay sabab u tahay Guddi-hoosaadyada oo gaabis noqday.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com