Qarax ruxay saldhig ciidan oo ku taal dalka Masar
Qahira Dec 24,2013(SDN)-Xarun ciidamada Booliska ee dalka Masar ay ku leeyihiin magaalada Daqahilya ayaa qarax lala beegsaday waxa ka dhashay dhimasho iyo dhaawacba.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa ku dhintay 14 ruux halka dhaawacuna uu tiro beelay.
Dawlada KMG ah ee dalka Masar ayaa kooxda Ikhwaanka ee dalkaa laga mamnuucay ku eedeysay in ay ka danbeysay qaraxa lala beegsaday saldhiga ciidan.
Wakaalada wararka ee bariga dhexe ayaa afhayeenka gollaha wasiirada ee Masar Sharif Shawkhi ka soo xigatay in Ikhwaanku fool xumadoodii dibeda u soo saareen.
Weerarka oo xili saq dhexe ah la qaaday ayaa waxa waxyeeladu inteeda badan gaadhay ciidanka.
Koox sheegtay in ay xiriir la leedahay Al Qacida ayaa dhawaan ciidamada ugu baaqday in ay xarumahooda isaga baxaan hadii kalena ay fishaan weerar.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com