|

Labada Beelood Ee Galbeedka Somaliland

Afeef  ” waan afeefanayaa eedi ha iga hadhee”

 

Kasmo baadhistani waa mid daba-socota, mid hore oo aan qoray, halku dhigeeduna uu ahaa BEESHA DHEXE IYO INTA KALE, waa mid tan iyo habeenkii ay maankayga ku soo dhacday, waxa iga guuxayay halkeed ka bilawdaa, iyo sidee u sigib-tirtaa, aniga oo maanka ku haya, xanafta iyo eedaha ka buuxa, kasmo baadhistan, waayo  waa adagtahay, qof inta uu jilibka u laabtay, yidhi waar horta maxaa ina dhex yaala hadii aan beelaha Somaliland nahay, oo eelka farta galiyay oo inta uu kaga dhiijiyay, yidhi waxan baa ina haya, murti dhaqankeena ku jirid aasatay baa tidhaa, oo goobtan oo kale lagu bilaabo hadalka,

Dusha milika laga dhayo

Aan boogta loo dagin

Waligaaba duuduub

Dusha ubax ka saar-saar

Dakhar waa halkiisii

Dhabtu waa taas, hadii aan la darsin waxa jira, oo boogta, aynu qarsano, waa dhib inoo taal, waxan dhaba in ay maalin maalmaha ka mida inta ay boogtaasi balaadhato, oo buqbuqdo, la garan waayo, waxa lagu daweeyo, ee bal inta ay inoo noqon lahayd dhib inoo taal, ha noqoto dhib aan furdaaminay, oo aan ka gudubnay.

Kasmadan waxan ugu talo galay, in aan bal si hufan, oo aan tur-xaan lahayn aan u soo bandhigo, waxa dhex yaal labada beelood ee galbeedka Somaliland, ee ay kala tirsanayaan, iyada oo aan ogahay in wax badan la daweeyay, qaarna wali socdaan, se waxa aan rabaa bal inta aan u arko in ay ka maqan tahay in lagu soo daro, in aan halkan ku soo gudbiyo, iyo sida aan u furdaamin karno, ileen waa seeto qarankeena ku xidhane.

Inta aan hoos ugu dagin aan afeefta soo xidho, aniga oo ku soo xidhaaya, halka aan ka taaganahay, oo aan mugdi ku jiran, si hufana u daaha uga faydaaya, dareenka dhabtaah, oo ah kaan si dhaba u rumaysanahay, waxan aan kaga dayanayaa, macalinkaygii Abwaan Gaariye, mutida ma guurtada ah ee laga guntay ee uu yidhi

Abkuu doono ha sheegtee

Waxa aanu abb iyo

Abtirsiimo wadaagnaa

Ka si waxa iila arkaaye

Ma midayso ujeedo

Taas oo dhaba, weeyi ta, mankayga ka guuxaysaa, ee aan hadh iyo habeen u taaganahay, mana aha waxa aan qarsado, nacayb ka aan u hayo Qabyaalada iyo dadka fooxa u shida qabyaalada, waana mid aan waligay u taagnaanayo, kii intaas igu soo raaca uun baan isku hayb iyo hilbaba wadaagnaa.

Aan intaas ku soo dhaafo afeefta, oo aan hoos ugu soo dago, hugunkan dami-waayay ee wali qiiqaya, halka uu ka shidmaayo, iyo waxa hurinaaya, iyo waxa u diidan in uu damo, si aan qiiqiisan qadhmuun aan uga raysano iyo boogtan hadba sidii likihii soo foodhacaysa.

Waa dhab in Eebe uu dadka kala hayb iyo hilbaba duwey, se ujeedadu maaha taas, ee waa in aan isku garano oo kaliya, waana sumada lagu soo baadi-sooco qofka, waxa kale oo ay u taagan tahayna ma jiro, halkaasina waa halka ay milgo iyo maamuusba ay ku leedahay, hadii se geerkaas ay haysato laga dhaqaajiyo, waxa loogu tagaaba waa qudhun, kan ka dhaqaajiyay ee ujeedadaas ka leexiyayna waa qabyaalad-walwaal dhab.

Intaas aan ka soo gudbee, gobolka Awdal waxaa ku wada nool qabaail ka duwan, oo se kala badan, taasi maaha mid la isku xusul-maroojinaayo, badnidaasina maaha mid la isku duudsinaayo, oo gaf iyo sed-bursi lagu qaadanaayo, ee waa mid dhanka samaha iyo is-garabsiga u taagan, mida dhabta ahna waa taas, ee hadii qolo tidhaa anigaa ugu badan oo wax kasta qaadanaaya, maaha mida meesha taal, mana aha mida dadka wada dhashay, isku soo jiidaysa, oo ka talinaysa samaha, iyo waxa wada-wadaaga loo wada dhashay ee wiil iyo abtigii loo wada yahay, murtida somaliyeedna ay gunta ku hayso, taas oo odhanaysa, rag wixii ka dhexeeya miis baa la dhigaa, waana waxa ugu haboon, ee rag waxa wada-lihi ku wada kalsoon yihiin, dhamaantoodana ku wada niyad san yihiin, ee murtidaasi hal-beeg dhaba oo aan waxa ku wadaagno ha inoo noqoto.   Hadaba qodobada ay ka duulayso, kasmo-baadhistani waa.

Dhibta gobolku halkay dhabarka ku haysaa?

Dhibta ka taagan ceel-bardaale

Sideen Gobolka u wada dhisanaa?

Maxaa dhaba, maxaase geed sare waaba?

Dhibta gobolku halkay dhabarka k haysaa?

 

Waa mid meesha taal, oo qof kasta maankiisa iyo garashadiisa ku soo boodaysa marka g horaysa ee uu arko dhib meel ka aloosan, waan mida g horaysa ee ay ka bilaabmato furdaaminta dhibtu, iyada oo taasi jirto aan qodob qodob u dul is taago bal waxa ay kala tirsanayaan labada beelood ee meesha wada dagaa waa GADABIIRSI iyo CIISE.

Dhib ka taagan wada lahaanshaha dhulka.

Taas oo labada dhinacba isku maan dhaafsan yihiin, taas oo qaraxday doorashadii golaha deegaanka Somaliland ee ka dhacday Dagmada Saylac iyo Lughaya, waxase dhibtu soo bilaabantay malintii Gobolka Salal uu ku dhawaaqay Madaxweyne Dahir riyaale, se intii ka horaysay gobolku waa daganaa, waxa la sheego oo buran oo dhex yaalay labada beeloodna ma jirin.

Waa waxa dhaca oo aan ku cusbayn gayiga Somaliland, in dad daaqsin wadaagi isku hirdiyaan yeelashada dhul, waxa se dhibti sii balaadhataa marka dhibtii si wacan oo ay labada dhinac raali ku wada yihiin lagu soo af-jaro muranka taagan, waana taas ta aan dheernahay bulshooyinka kale ee aan la wadaagno Afrika, oo hore ayay soomaali ugu maahmaahday Gacmo geel-jire hoos baa loo dhaqaa, sida aan ka wada dharagsanahay gartu waa laba.

Mid sokeeye

Mid cadaawe

Tan maanta dhex taal labada beelood waa mid sokeeyo, oo wada dhashay, wiil iyo abtigii, iyada oo taas aan ka shidaal qaadanaayo, waa waa in lagu furdaamiyaa sidan.

In meesha laga saaro Gobolka Salal

In si dhaba loo wada yeesho Gobolka AWDAL

In meesha laga saaro SIYAASADA oo DHAQAN lagu dhameeyo dhibta

In aan badni la isku muquunin ee TOL WADA DHASHAY WAA KII MIDHO WADAAGA LAGU DHAMEEYO DHIBTA 

In labada beelood (GADABIIRSI iyo CIISE) IYO beelaha kale (XEEB-JIR iyo CALI GANUUN) dhamaantood wadaagan gobolka awdal

In aan la kala sheegan gobolka, si kalsoonidii wadaagu u timaado

In dibu-heshiisiin dhaba laga qabto gobolka, oo GOLAHA GUURTIDU, hawshaas u kaco, DAWLADA DHEXENA KU TAAGEERTO

Dhulku waa hanti qaran oo waxa leh DAWLADA, MAAMULKIISANA IYADAA KA MASUULA, bulshadu waxa kaliya oo ay leedahay Manfaciisa iyada oo aan la kala sheeganayn

In aan la isku muuqan, se laga taliyo DANTA GUUD, magacyadana lagu badalo HIGSI iyo HIRAALKA gobolka

Doorashadii Saylac

Aan dib idibku celiyo taariikh kooban oo ku aadan habka loo kale helay doorashada dagmada saylac, 1960kii Doorashii ka dhacday dagmada waxaa helay CIISE, doorashadaas oo loo tartamaayay BAARLAMAANKA, waxana guud ahaan Gobolka Awdal ka soo baxay 5 XIL-DHIBAAN oo loo kala helay sidan.

 

   Doorashadii baarlamaankii 1960kii Ee Gobolka Awdal

Magaca Xil-dhibaanka 

 

Beesha 

 

Dagmada 

 

Sh. Abibakar Sh. Cumar 

 

Gadabiirsi (Reer Ugaas

 

Boorama 

 

Xaaji Ibraahim Nuur 

 

Gadabiirsi (Reer Nuur

 

Dila 

 

Jaamac Geele Ciise 

 

Ciise   (Mamaasan

 

Saylac 

 

Xaaji Muuse Axmed Shirwac 

 

Ciise (Furlabe

 

Cabdulqaadir 

 

Cabdi Xasan Buuni 

 

Xeeb-jir Boon 

 

 

Waa muuqataa in dhamaan beelaha gobolku si siman u wadaageen

 

Fiiro Gaara

 

Doorashadu waxa ay u dhacday habka loo yaqaan

 

GOOB DOORASHO oo ah goob kasta waxaa ku tartamaaya laba qof kii cod bataana ku guulaysanaaya.

Hadaba taasi waa mudo fog, se manta waxa sii nool muranka ka taagan, saylac, ee ku aadan doorashadii golaha deegaanka, ee dhawaan ka dhacday Somaliland, doorashadaan oo noqotay mida qarxisay murankan, kaas oo gaadhay in uu wada taabto gaar ahaan gobolka iyo guud ahaan qarankaba, waxase muuqata in muranka tubtii uu lahaa la waydaariyay, oo furdaamintiisii loo doonay meelo ka baxsan Somaliland, Saylac waxa ay ka mid tahay DAGMOOYINKA”B” .

Dagmooyinka Darajadoodu tahay waa “B

 

Magaca Gobolka 

 

Magaca Dagmada 

 

Tirada Golaha Deegaanka 

 

Togdheer  Ood-weyneBuuhoodle

 

1717

 

 

Awdal Saylac  17
Sanaag 

 

CeelafweynBadhan

 

1717

 

 

 

Dagmada aan u jeedaa waa SAYLAC

 

Muranku waxa uu dhabarka si toosa ugu hayaa, doorashadaas, oo loo kala helay sidan

 

Beesha 

 

Dagmada  Saylac 

 

Gadabiirsi 

 

10 Xil-dhibaan
Ciise 

 

7 Xil-dhibaan

 

 

Midhahaas soo baxay ayaa keenay, se XAQU waxaa in lagu kala baxay doorasho, taas oo keentay in la isku maan-dhaafay cida noqonaysa Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Saylac, hadaba iyada oo hawli halkaas taagan tahay, ayaa waxa haboonaa in aan la dooran Gudoomiyaha, ee si loo wada dhan yahay oo lagu wada raali yahay lagu wada doorto, si aan muranku u dheeraan, waayo taas baa ka haboon, dadkuna ku wada raali yahay, waxa lagu wada niyad-sanyahayna ka soo bixi lahaa, meesha may oolin in dhan kale loo dhigo, maxaa yeelay hab-dhaqankeena kuma jirto in cidi kali tashato, waxaa inoo hayb ah in aan talo aan ku midaysanahay la wada qaato.

Waxaas oo dhami waa dhaceen, waxan ka dhashay, in murankii sii dheeraaday, oo gaadhay in uu gaadho Dagmada Lughaya, waxaas oo dhan waxa ka daran dhiig aan loo baahnayn, oo ah dad dhamaan inagu wada qaaliya, hadii se taladaas miiska la dhigi lahaa may gaadheen halkaas, waxa manta gobolka taabtayna ma dheceen.

 

Caano daatay dabadood la qabay

 

Waxa aan si qoto dheer aan ugu talin lahaa, in talaabooyinkan la qaato, iyada oo laga bilaabayo, wixii ka dhashay Doorashadii Gudoomiyaha Dagmada in la xaliyo, taas oo ah.

In la xaliyo dhimashada dhacday, waayo Soomaalidaa ku maahmaahday, MEEL DHIIG YAAL DHABAQO BEESHAY,  taas marka laga heshiiyo, waxa xiga in la isla meel dhigo dhibtii dhacday wixii keenay

In arinkaas Doorashada Gudoomiyaha Dagmada, si hoose oo ay labada dhinac raali ku wada yihiin lagu dhameeyo

In aan cod la isku Xusul-maroojin, ee la gacmaha la is qabsado

In cidii ku gulaysata doorashada ay isku wado dadka ee aanay habi ka muuqan, ee ay yihiin hogaankii dagmada, hadalada xanafta lehna la iska daayo, waayo waxa xumaana mooyee wanaag ma wadaan

In danta guud markasta laga horaysiiyo, danaha yar-yar ee ku aadan waxana mudan in danta guud ee dagmada saylac tahay ta kaliya ee aan waxa ka saraynayaa jirin

2-Dhibta ka taagan ceel-bardaale

 

Waa dhab, waana gaf, ay wada diiday dhamaan bulshada Somaliland bari ilaa galbeed, labadii dil ee aadka u foosha xumaa, ee ugu dambeeyay, ee SEEMAAL iyo DADKII WADADA, waana wax ku kooban dadkii falkaas gaystay, waana in si dhakhso ah loo mariyaa waxa ay mutaysteen.

Waxan dhaba in labada dhinac waa BEESHA GABILAY iyo DILA, ay isu gaysteen, dilall, se la kala badan yahay, waxa kale oo dhaba in arinkan CEEL-BARDAALE uu yahay mid mudo badan soo taagnaa, se waxan cidina diidi Karin in dadka ka soo kala jeeda labadaas dagmo, in ay yihiin dadka isgu badan xaga kala guursiga, waana wiil iyo abtigii, wanaagas oo dhan bay wadaagan, waana ta keenatay in ay reer Somaliland oo dhan ay noqdaan dadka isgu dhaw, dhan kasta, taasna waxa keentay, wada dhalashada.

Iyada oo waxa ay wadaagaan uu ka badan yahay waxa kala tirsanayaan labadan beelood ee Gabilay iyo Dila ku kala nool, waligoodana ay iyagu wixii dhexdooda yimaada ay ku dhamaystaan, GAMCO GEEL-JIRE HOOS BAA LOO DHAQAA, hadana waxa dhaba oo ay ku wadaan hawsha taas, waana ta dhaqanka u ah.

Waxa aan odhan lahaa, waa in laga daayo docaynta iyo gujada, cidii wanaag iyo wada dhalasho ula tagaysa, waa ta loo baahan yahay, waxa se aan dhulkaas laga ogolayn, xumaan iyo jalaafayn.

Waxana mudan in ay DAWLADA DHEXE qaado talaabooyinkan

In dhulkaas aan waxa huba cid la mari kartaa, aanay jirin

In dhulkaasi yahay dhul aanay cidi si gaara  sheegan Karin

In dhulkaas lagu daro MASHRUCA WAJAALE ee ciidamadu leeyihiin

In dilka dhex yaala labada beelood lagu dhameeyo sida ay ku heshiiyaan, wixii kale ee ay kala tirsanayaana, lagu dhameeyo sida ay ku heshiiyaan

In dhamaan dhulkaas galbeedka ah oo dhan laga guro hubka, oo gacanta dawlada dhex lagu wada ridaa, iyada oo dadka mag-dhaw u qalma laga siisanaayo hubkaas nooca uu doono ha noqdee

Sideen Gobolka u wada dhisanaa?

 

Waxaa ka muuqda gobolka awdal, wanaag badan iyo barwaaqo Eebe si gaara u dhigay, waxan uu yahay mid ka muuqda dhamaan gobolada Somaliland oo dhan isaga oo ah gobolka ugu yar xaga dhul-ahaanta, waxan ka mida gulaha uu gaadhay,

Waa bulsho u wada taagan sidii ay waxa u wada qabsan lahaayeen, hadii ay tahay dhan kasta

Waa gobol gacan weyn ka helay dawlada dhexe, gacantaasina waa mid muuqata

Waa gobol ay si dhaba u wada shaqeeyaan qurba-jootiisa, iyo dal-joogtiisuba, taas oo keentay, in waxa ay dawlada dhexe ugu deeqdo ay ku darsadaan inta ay haystaan

Waxa ay gaar u leeyihiin bulsho si dhaba u taqaan, danta guud ee gobolka, iyo in ay wada leeyihiin, danta gobolkuna tahay ta ugu mudan

Taas baa u taal, ee uma taal in ay hoos isu eegaan, oo ay yidhaahdaan, qolo heblaayo ayaa meesha leh, iyo qolo heblaayo ma laha, waayo taasi waxa ay hoos u dhigaysaa, miisaanka ay ku leeyihiin Somaliland, waxan ay waxa u dhimaysaa dhaxalka suuban ee ay ku leeyihin Somaliland, wanaaga manta dhulkeena yaala iyo milgaha qaranimo waa rugtii lagu dhidbay, waan gobol wada marti galiayay dhamaan bulshada Somaliland, ee dadka gobolku dhaxalkaas ha dhawrtaan. Hana ka dheeraadaan dadka qudhunka qabyaalada fooxa u shidaaya, ee dadka wada dhashay, haybta u kala guraaya meel ay joogaanba.

4-Maxaa dhaba, maxaase geed sare waaba?

 

Aan kala qaado, labada weydiimood, sida ay u kala horeeyaana aan u kala guro

Maxaa dhaba?

 

Waxaa dhaba in gobolka la wada lee yahay, oo aanay jirin Beel kali gaar u lihi, taasna waxaa ka dhalanaaya, in la wadaago, dheefta iyo dhibtaba, waxana dhaba, in loo siman yahay gobolka, waxa kale oo taas ka dhalanaaya in la wada leeyahay Somaliland, waana in deeqsinimo iyo gobanimo, dhaba ay la yimaadaan, dadka gobolka wada dagaa, wanaagaas oo dhamina maaha mid laga baryaayo cid ama qolo, ee waa Xaqa ugu horeeya ee qofku leeyahay, in uu ku noolaado, nabad iyo xasilooni, sugida nabada guud iyo qabashada cida gafsana waa hawl u taal Dhawlada dhexe.

maxaase geed sare waaba?

 

Waxaa geed sare waab ah, in lagu kala badan yahay gobolka, waxana cadayn u ah, dhamaan waxaas oo Doorasho iyo Saami-qaybsiyaba waxa ay dhaceen iyada oo aanu jirin TIRA-KOOB, maantana tii baa taagan, ee dib wax badan hoos ha loogu eego, inta aan tabashadu dheeraan, dadka maan-gaabka ah ee gobolka beenta iyo waxa aan jirin la dhex wareegayaa waa in aanay gaf ka galin taariikhda, inta ay xumaha ka talinayaana, waxa u wanaagsan in ay wanaaga iyo tubta toosan ILAYSKA u qaadaan, waayo taas baa dhaxal u ah, intii uu xumaha ku suntanaan lahaana, waxaa If iyo Aakhiraba u wacan in uu wanaaga ku astaysnaado.

 

Fiiro Gaara

 

 

Qormadani cid gaara uma jeedo, ee kaliya waxa ay ku kooban tahay sidii XAL-WAARA loogu heli lahaa Dhibta Taagan

Qormadani waa aragti aniga oo ah ( Cabdale Dahir ) igu kooban, cid ila wadaagtaana ma jirto

Qormadani waa mid taabanaysa nabaro badan, se waa mid dawo waarta u noqonaysa

 

Waxana aan ku soo ooday Qofkasta oo inaga midi ha ku taamo maxan u qabtay Somaliland, iyo bulshadeeda.

 

Sow Godobi surinkaad martaba sabab qarsoon maaha,

 

Sow Nabadi sahaydaada ood sidato uun maaha

 

 

Gabay-xaddi

 

Qalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

Bartay Aqoontaka Xeerarka

cabdale_2012@hotmail.com

23/12/2013

Comments are closed