“Gunimadda maaha wax cid waliba Illaahay dusha ka saaro ee waa wax cid waliba gacmeeda ku samaysato, tallo xumaanta ayaa dhasha gunimada” Suldaan Naasir Suldaan Ismaaciil
Hargaysa 23.Dec 2013 (SDN)- Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil (Shiine), oo ka mid ah salaadiinta ugu waaweyn beelaha la hayb-sooco ee Somaliland , ayaa bayaamimay sababaha keena gunimadda.
Waxaanu tilmaamay gunimaddu aanay ahayn wax Illaahay dusha kaga keeno dadyowga balse dadku iyagu gacmahooda ku samaystaan, waxaanu Wuldaanku xusay gunimada ayay sababto tallo-xumaddu dhaxalkeeduna yahay dhaqan xumo iyo tafaraaruq oo uu tilmaamay inay intuba haystaan beelaha la hayb-sooco.
Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil, Waxa uu si adag u duray madax-dhaqameed, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo culimada beelaha la hayb-sooco, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay ka lunsan tahay qiyamkii hagaagsanaa ee ummadooda ku hogaamin la haayeen isla markaana danaystayaal yihiin.
Suldaan Naasir waxaa uu cambaareeyay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay xaafada Daami ee magaalada Hargeysa oo uu sheegay in niman balaayada ku qadeeyaa dhalinyarada si khaldan wax ugu sheegeen.
Suldaan Naasir waxa uu sidaas ku sheegay suldaanka oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta.
“Gunimadda maaha wax cid waliba Illaahay dusha ka saaro ee waa wax cid waliba gacmeeda ku samaysato, tallo xumaanta ayaa dhasha gunimada, waxaanay dhaxalsiisaa jahli, dhaqan xumo iyo tafaraaruq oo dhammaantoodba way haysataa beelaha la hayb-sooco,” ayuu yidhi Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Shiine, waxaanu intaas ku ladhay, “Kuwa sheeganaya inay hormuud u yihiin, siyaasiyiin yihiin xitaa culimadooda ayaa bilaa qiyam ah oo bilaa itijaah ah, xitaa madhax-dhaqmeedooda ee aan anigu ka mid ahay way ka lunsan yahay qiyamkii ay ummad ku hogaamin lahaayeen way baal-marsan yihiin, waayo tafaraaruq, is-dabamar, is-munaafaqadayn mar ay gaalo isku sheegaan mar ay is xabaalaan waa dad iyagu gabigooduba isku wada maqan.”
“inan (Gabadh) ayaa daami ku dhimatay oo dhagax lagu dhuftay, kii ku dhuftay aabihii ayaa la hayaa oo xidhan, ummad dhan ayaa dagaal la geliyay iyo dhib la galiyay, kuwii wanaaga u tilmaami lahaa ayaa dhibkaa ku hogaamiyay, waa nasiib darro, sadex sanno ayay Boorame ku xidhan yihiin laba wiil oo midi Tumaal yahay ka kalena Madhibaan ah oo jaamiciyiin ah, way hiil waayeen way tol waayeen way walaal waayeen, cid u hadlaysa ma jiraan labadaa inan maxkamad lama taagin oo xukun kuma dhicin,”ayuu yidhi Suldaan Naasir.
Suldaanka oo sii sharxayay kiiska labada nin ee ku xidhan Boorame, waxa uu yidhi “Sanadkan bishii labaad ayaan tagnay aniga madax dhaqameedka Beelahayagani ee aan ka mid ka ahay, Beesha Samroon waxaanu ku nidhi waar nimanyahow aanu diin dhaarano ama idinku noo dhaarta waliba, aniga ayaa fikirkaa soo jeediyay, jawaabtiina waxay noqotay noo dhaaran maysaan idiina dhaaran mayno, garsoorkii dhexda ahaanna ee la soo dirayna gali maayaan ayay yidhaahdeen.”
Suldaan Naasir waxa uu ku dooday in markii uu arkay facaa’ilka madax dhaqameedka beeshiisa iyo kala dambayn la’aantooda uu ka gaabsaday inuu dhex galo, waxase uu xusay inuu jecel yahay inuu bulshadiisa u shaqeeyo.