|

“Madaxweynahana waxa u fiican inuu dadkiisa Mideeyo Mucaarid iyo Muxaafidba Laakiin hada ma Muuqato” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

Hargaysa 24.Dec 2013 (SDN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda talada haysa ee xisbiga Kulmiye ku eedeeyey kooxo is dhex-yaacaya oo mid walba awoodo gaar ah leeyahay, kaas oo sheegay inaanay jirin cid lagala xisaabtamaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo.

Faysal Cali Waraabe1Faysal Cali Xuseen waxa uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay inuu wax ka qabto caqabadaha iyo muranada siyaasiga ah ee socda, ugana digay in khilaafyada wakhtigan taagan uu ku dhamaysto mudo xileedkiisa.

Guddoomiyaha UCID waxa uu nasiibdaro ku tilmaamay khilaafka ka dhextaagnaa mudooyinkii ugu danbeeyey golaha wakiiladda oo uu ku eedeeyey xukuumadu inay faro-galin ku hayso, kaas oo sharci daro ku tilmaamay fadhiyada golaha wakiilada ay soo faro-galiso maxkamadda sare ee dalku.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa, ugu horayna isaga oo xaaladihii u danbeeyey dalka ka taagnaa ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Arinta ka taagan golaha wakiiladu waa nasiib darro, mushkilada ina haysataana waxa weeye cudurkani inuu marba meel ka galo Somaliland  halkii ugu danbaysay ee uu galayna waa golaha wakiilada oo aynu ku canaanan  jirnay inuu ku milmay dawladda, markii ay  imika damceen inay dib u habayn isku sameeyaan ee canaantu ka qabsaday shacabkii iyo caalamkaba  dee waa taa iyagii lala dul fuulay, waana nidaam darada ka taagan dalka, waa waxaan ka qaylinayey sanadka ee aan lahaa dalku wuu is dhex yaacay. markaa waxaan leeyahay sharciga ha la ilaaliyo oo muranka ha laga baxo, umaduna uma taag-hayso muranka, shaqadiisana ha loo daayo baarlamaanka xeerar ayuu leeyahay distoor ayaa jira, guddiyo ayaa jira wixii muran dhexdooda ka taagana iyagaa dhamaysan kara umana arko inay muuqato waxay maxkamadu u soo dhex gasho, waa qaladkii barigii hore ay sameeyeen ee ay soo dhex galeen xisbiga UCID oo leh guddi anshax iyo xeerar, markaa waxaanu u aragnaa inay tani tahay mid meel  lagaga dhacayo nidaamkii garsoorka dalka”.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata, isla markaana fariin u diraya madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi “Madaxweynaha waxaan leeyahay inaad muran ku dhamaysato wakhtigaaga waa lagaaga fiicanyahay nin oday ah ayaad tahay taladana adiga ayaa laguu dhiibay wadanka aynu wada hagaajisano gacan aanu ku siino madaxweynahana waxa u fiican inuu dadkiisa mideeyo mucaarid iyo muxaafidba laakiin hada ma muuqato, waxaan kaaga digayaa in dadkaa hada ku ciyaaraya dalka in adigu ay eedu ku raacayso oo cid kula qaybsanaysaa ma jirto. Baarlamaankana ha la daayo ayaanu leenahay fara galinta ay maxkamadu samaynaysana inaanay xaq u lahayn oo ay wadanka ku keeni karto fool xumo”.

Mar uu ka hadlayey xidhiidhka isaga iyo xukuumadda u dhaxeeya, waxa uu yidhi “Aniga dawladda iskuma wanaagsanin  Cabdiraxmaana dhinacayaga ayaa loo tirinayaa dhex dhexaad ma noqon karo ayaan filayaa laakiin mid odaytinimo ayaan sheegayaa waxaanan la hadlayaa madaxweyne Siilaanyo waxaanan leeyahay  sidan ay wax ku socdaan sharaftaada, magacaaga iyo dalkaba wax ayey u dhimaysaa, wax kastana haddii aad diidaan socon mayso, dalkani waxa uu ku soo caano maalay wada tashi isku tanaasul iyo  wax wada qabsi, waxaan ku leeyahay dalka ha laga daayo dalkan dhibaatada idinkii kursiga ku fadhiyey  ayaanu idin leenahay wax hagaajista anagii debada taagnayn ayaa idiinka lexejeclo badan. Waxan dalka socdana adiga ayey  taariikhdeedu ku raacaysaa”.

Eng Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya habdhaqanka ay iska shabahaan xukuumadii Rayaale iyo tan Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu yidhi “Wax badan oo aynu dawladii hore ku canaanan jirnay ayey kuwani sameeyaan halkii  maalinta dhawayd laga soo celiyey Jamaal ee Caabudla anigana Daahir Rayaale ayaa iga soo celiyey  Daahir Rayaale-na waxa uu ahaa qof kaliya oo lala xisaabtami karo  laakiin kuwani waxay kaga daran yihiin  waa dhawr dawladood oo  is dhex yaacaya mushkilada ina haysataana waa taas mushkiladuna waa yeynu la xisaabtanaa ma dawlada dhexe, ma dawlada hoose mise dawlada sare waana kooxo qaar beelo ayey ku talinayaan, qaarna qoyska iyo xididnimo ayey ku talinayaan  qaarna magacii wasiirada iyo dawladii ayey ku talinayaan, meeshana waxa ka socda fawdo taasna in la eegto maaha dadkuna imika way  qarxayaan oo qof waliba dibinta ayuu qaniinsan yahay, waxaanan leeyahay dalka sidan ha loo dhaamo”.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed