|

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiiska Laga Qaadanayo Warqadda Dhalashada Daawo Sawiro

Muqdisho 23.Dec 2013 (SDN)- Xaruntan maanta uu xariga ka jaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ah Waaxda dad dhigista Dowladda Hoose, halka laga qaadanayo Warqadda dhallashada Muwaadinka Soomaaliya.

Munaasibad Kooban oo xariga looga jarayey xafiiska waaxda dad dhigista Dowladda Hoose, ayaa waxaa ka soo qeyb-galeen Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Afhayeenka gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidammada dowladda Hoose ee Xamar iyo xubno gobolka Banaadir ka Tirsan.

Guddoomiyaha degmada Shangaani Cali Cumar Abuurkar “Cali Xamari” ayaa ku soo dhaweeyey dhammaan mas’uuliyiinta munaasibadda ka soo qeyb-gashay, isagoo ugu hambalyeeyey shacabka gobolka Banaadir, hirgalinta Waaxda dad Dhisgista oo aad ku noqoneysa Muwaadin caddeynaya in uu yahay Soomaali.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyey qaabka lagu heli karo Warqadda dhallashada Muwaadinnimada.

Sidoo Kale gudddoomiye Tarsan ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya xafiiska Waaxda dad dhigista dowladda Hoose ay dhammaantood yihiin Dhallinyaro lagu soo xushay aqoon iyo Tayo, waxa uu hey’adaha kale ee dowladda kula taliyey in ay tallaabadaasi oo kale qaadaan, si dhallinyarada aqoonyahannada ah uga faa’ideystaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyntii xusay in tallaabo walba oo qofka Soomaaliga ah ku doonayo in uu ku sameysto Danihiisa gaarka ah laga doonayo Warqadda dhallashada Soomaaliga.

Maanta ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey warqadda dhallashada muwaadinnimada xubno ka tirsan guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir iyo mas’uulyiin kale oo maamulka gobolka Ka mid ah.

Shalay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Daah-furay Nidaamka cusub ee Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ay wax uga badeshay Baasaboorka Soomaaliga.

dad14 dad13 dad12 dad11 dad10 dad9 dad8 dad7 dad6 dad5 dad4 dad3 dad2 dad1

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed