Wasiirka Cadaalada oo Soo dhaweeyay Aasaaska Urur Dhalinyaro oo ka Shaqayn doona adeegyada Degmada Axmed Dhagax
Hargaysa 24.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka wasaaradda cadaalada JSL MD Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka qeyb galay xaflad lagu aasaasayay urur Dhalinyaro oo ka shaqayn doona Adeegayada Arimaha Bulshada ee Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargaysa.
Ururkaas dhalinayaro oo loo bixiyay [ National Youth Devolopment Organisation] ayaa waxa xafladii loo qabtay kazoo qeyb galay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimada, aqoonayahano , dhalinayro iyo marti sharaf kale waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay gudoomiyaha ururkaasi Md Cabdi kariim Jaamac oo ka waramay ujeedooyinka loo aasaasay ururka iyo waxyaabaha uu qaban doono waxaanu intaa raaciyay in uu si iskaa wax u qabso ah uga hawl gali doono degmada Axmed Dhagax isagoo ka shaqayn doona adeegayada danaha guud.
Waxa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudida nabadgalayada iyo arimaha bulshada ee degmada Axmed Dhagax Maxamuud Axmed Caalin [oday] oo dadweynaha ku dhaqan degmadaasi ugu baaqay in ay taageeraan dhalinayarada is xilqaanatay gaar ahaan ganacsatada ku dhaqan degmada Axmed Dhagax.
Wasiirka wasaarada cadaalada JSL Md Xuseen Axmed Caydiid oo xaflada ka hadlay ayaa ku amaanay dhalinayarda sida fiican ee ay ugu dadaalayaan in ay dalkooda wax ugu qabtaan waxaanu ku dardaaray in xoogooda iyo maskaxdooda ay ugu faa iideeyaan qaranka islamrkaa ay xukuumad ahaan aad usoo dhawayanayaan , waxaanu wasiirku si gaara uga la hadlay dhalinayaradaasi in ay ka qeyb qaataan wacyigalinaha ku aaddan aafada tahriibka iyo ilaalinta nabad galayada maadaama ay yihiin urur dhalinayaro.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com