|

Ciidanka Booliska oo Xabsiga u Taxaabay Gudoomiyihii Ururka Qareenada Somaliland ee Solla

Hargaysa 23.Dec 2013 (SDN)- Booliiska ayaa maanta xabsiga dhigay guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) Foosi Sh Yoonis, kadib markii uu shalay diiday waaran ay Maxkamadda foosiSare ee ciidamaddu ugu soo jartay waaran Dacwad uu Qareen ka ahaa oo uu ka soo xaadiri waayey, kadib markii uu garsooraha Dacwadaas gacanta ku hayaa ka diiday in uu Dib ugu dhigo Dacwadda.

gudoomiyaha solaGuddoomiye ku-xigeenka Ururka Qareenadda Somaliland ee SOLLA Xasan Cali Xasan (Banfas) ayaa falkan ku tilmaamay mid sharci daro ah waxaanay warbaahinta u sheegeen in ay arrintan iyo arrimo kale oo dhinaca muranka sharci ee ka taagan Dalka ka hadli doonaan.

Guddoomiye Foosi ayaa shalay sheegay in Garsooraha Maxkamadda Sare ee Ciidanku aanu sharciyad u lahayn xadhigiisa isagoo sheegay Qareenku in uu xaq u leeyahay haddii aanu fursad u haysan balanta Dacwada si uu uga  bugto in uu muddo u heli, taasoo uu ku eedeeyey in uu u diiday.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed